Trump oo guul darro kala kulmay kiis muhiim u ahaa

0
Saturday June 20, 2020 - 23:56:19 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo guul darro kala kulmay kiis muhiim u ahaa

    Garsoore Mareykan ah ayaa ku gacan seyray isku day uu maamulka Trump ku doonayay in la hakiyo soo bandhigidda buug uu qoray la taliyihii hore ee amniga qaranka, John Bolton. Waaxda caddaaladda ayaa ku doodeysay in buuggaas aan si sax ah loo turxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoore Mareykan ah ayaa ku gacan seyray isku day uu maamulka Trump ku doonayay in la hakiyo soo bandhigidda buug uu qoray la taliyihii hore ee amniga qaranka, John Bolton. Waaxda caddaaladda ayaa ku doodeysay in buuggaas aan si sax ah loo turxaan bixinin. Garsoore Royce Lamberth, oo xaakin ka ah maxkamadda degmada ee magaalada Washington DC ayaa sheegay in Mr Bolton uu "khamaar ku ciyaaray" amniga qaranka Mareykanka, "uuna waddankiisa halis u galiyay khatar". Laakiin wuxuu xukunkiisa ku sheegay in dowladdu "ay ku guul darreysatay sidii ay uga hortagi lahayd waxyeello aan kasoo kabasho lahayn". Buugga uu Trump kasoo hor jeedo in la shaaciyo ayaa suuqyada loo iib geyn doonaa 23-ka bishan June. Waxaa ku jira qoraallo uu Mr Bolton ku sharraxayo in madaxweynaha uu wax kasta u sameynayay sidii uu mar kale xilka ugu guuleysan lahaa.
   


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip