R/Wasaare Kuxigeenka Dalka oo ka falceliyay warkii James Swan

0
Saturday June 20, 2020 - 17:02:05 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaare Kuxigeenka Dalka oo ka falceliyay warkii James Swan

    Ra'iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si aan toos ahayn uga falceliyay warkii ka soo yeeray Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan. James Swan ayaa qoraal uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si aan toos ahayn uga falceliyay warkii ka soo yeeray Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan. James Swan ayaa qoraal uu ugu talagalay maalinta caalamiga ee ciribtirka xadgudubyada galmada oo Jimcihii ku aadaneyd waxaa uu Dowladda Somaliya ugu baaqay inay soo afjarto galmada khasabka ah, ee xilliyada qaarkood lagula kaco barakacayaasha iyo weliba dadka safarka ku guda jira.                    "Rabshadaha galmada la xiriira xilliyada colaadaha waxay reebaan dhaawacyo qotodheer oo shakhsi ah, waxayna sii ahaadaan kuwo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha ee dhibane-yaasha. Waxay sidoo kale dhaawacaan isku xirnaanta bulshada iyo dalka, boosna ugama banaana Somaliyada casriga ah, ee soo ifbaxeysa.” Ayuu yiri James Swan.

          Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka oo ka falcelintiisan ku soo beegay maalinta qaxootiga adduunka, oo maanta ku beegan ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay ku baaqeyso dadaal dheeri ah, oo ay tahay in lagu ilaaliyo, laguna caawiyo qaxootiga iyo dadka ku barakacay gudaha dalka.

               Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku muujiyay in gudaha dalka ay ku barakaceen laba dhibic lix milyan oo Soomaali ah, sabab kastaba ha u barakaceenee.

                 "Maanta waa maalinta qaxootiga adduunka. Dowladda Federaalka Somaliya waxay ku baaqeysaa dadaal dheeri ah oo lagu ilaalinayo, laguna caawiyana qaxootiga iyo dadka ku barakacay gudaha Somaliya. Halkaas oo ugu yaraan 2.6 milyan oo Soomaali ah ay ku barakaceen. Ficil kasta oo ay tahay.” Ayuu yiri Khadar.

                   Xog uruurin la sameeyay ayaa muujineysa in dadka kufsiga ugu badan loo gaystaa ay yihiin haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha iyo dumarka kale, ee la socda gaadiidka isugu kala goosha Gobolada Koonfurta & Bartamaha.

              Gobolka Shabellaha Hoose ayaa billihii April iyo May laga soo wariyay in ay ka dhaceen illaa sideed kiis oo kufsi ah, kuwaa oo ka kala dhacay Afgooye, Janaale iyo Yaaqbari-weyne. Afar dumar ahaa oo ka yimid Magaalada Baydhabo, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho ayaa lagu kufsaday deegaanka Yaaqbari-weyne oo hoos-tagga Degmada Wanlaweyn. Mid ka mid ahi dumarkaasi ayaa u geeriyootay isku furan ku dhacay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip