Jaamacadda Carabta oo MW Geelle Ku Amaantay dhexdhexaadinta DFS iyo Somaliland

0
Saturday June 20, 2020 - 16:40:00 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Carabta oo MW Geelle Ku Amaantay dhexdhexaadinta DFS iyo Somaliland

    Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-Qeyd ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismacil Cumar Geele uu ku martigaliyey shirkii dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-Qeyd ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismacil Cumar Geele uu ku martigaliyey shirkii dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo bishan June 14keeda ku qabsoomay caasimada Jabuuti.          Abuu Al-Qeyd ayaa dhambaal uu u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ku ammaanay dadaalkiisa ku aadan wadahallada, waxa uuna u xaqiijiyay Madaxweyne Farmaajo taageerada Jaamacadda Carabta ay la garab taagantahay Soomaaliya iyo ka miradhalinta dadaalkan, isagoona balanqaaday inay sii wadi doonaa gacan ka geysiga arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya si ay shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himilooyinka ay hiigsanayaan.

          Xoghayaha Jaamacadda Carabta ayaa ku tilmaamay tallaabo yididiilo leh, isaga oo sheegay in Jaamacadda Carabtu ay kaalin weyn ka qaadaneyso dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa.

             Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xafiiska Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Abuu Al-Qeyt uu dhambaal qoraal ah u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa uuna ku bogaadiyey gogosha uu fidiyey, iyada oo Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda buuxda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dadaal kasta ku bixiyaan kamiro dhalinta hanaaankan wadahadallada

            Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay sare u qaaddida taageerada Jaamacadda Carabta u hayso Soomaaliya iyo dadaalada iskaashiga isdhexgalka Gobolka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip