Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay gobolka Bakool

0
Saturday June 20, 2020 - 16:35:03 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay gobolka Bakool

    Sheikh Mukhtaar Roobow oo xabsi guri u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii deegaanka Abal ee gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamo isaga daacad u ah iyo ururka Al-Shabaab. Dagaalkii ka dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheikh Mukhtaar Roobow oo xabsi guri u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii deegaanka Abal ee gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamo isaga daacad u ah iyo ururka Al-Shabaab. Dagaalkii ka dhacay degaanka Abal waxaa sida la rumeysan yahay ku dhintay ku dhowaad 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah, waxa uuna ahaa dagaalkii ugu qaraaraa ee dhaxmaray ciidamada Abuu Mansuur oo dowladda taabacsan iyo Al-Shabaab. Sida aan xogta ku helnay, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Xildhibaano iyo siyaasiin ku beel ah uu ka dalbaday in Muqdisho loo soo qaado 14 askari oo dhaawac ah, waxaana ku jiray taliyaha ciidanka Abuu Mansuur oo sidoo kale ahaa ku xigeenkiisa.

              Sarkaalkaan dhaawaca ah ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamuud Mukhtaar waxaana hadda lagu dabiibayaa Muqdisho, ayada oo ay soo hagaageyso xaaladiisa caafimaad.

Sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo dhaawacyo qaba kuwaas oo ku jira Isbitaal ku yaalla Xudur. Abuu Mansuur oo xabsi guri ah ayaa dalbaday in laga warqabo dhamaan dhaawacyada iyo daryeelkooda.

  

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lagu hayaa guri ku yaalla Muqdisho in ka badan hal sano kadib markii la soo xiray isagoo ah musharax Koonfur Galbeed dhamaadka sanadkii 2018. muddo uu ku jiray xabsiga NISA ayaa kadib loo wareejiyey xabsi guri.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip