Xubno Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee aagga Hobyo

0
Saturday June 20, 2020 - 15:58:55 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee aagga Hobyo

    Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in saddex ka mida dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ay isu soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in saddex ka mida dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ay isu soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa xaqiijiyay in ay isa soo dhiibeen xubnahaasi ka soo goystay Al Shabaab.
"Saddex dagaalame oo ka mid ahaa kooxaha nabadiidka ah ee Al Shabaab ayaa isku dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, Qaybta 21-aad ee fadhiisinka ku leh deegaanka Bacaadweyn, oo hoostagga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Taliska Qaybta 21aad uu ku leeyahay Facebook.

Taliyaha ayaa sheegay tallaabada ay xubnahaasi isu soo dhiibeen in ay ka dambeysay, ka dib markii ay arkeyn buu yiri xasuuqa iyo dhibaatada nabadiidka ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Isa soo dhiibidooda waxaa ay timid, ka dib markii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu Arbacadii sheegay in ay cagta marin doonaan Shabaabka galaangalka ku leh nawaaxiga Hobyo.

"Nawaaxiga Hobyo waxaa lagu sheegaa argagixisada inay meelaha ka dhow yihiin, soo sheega, lana soo wadaaga hay’adaha amniga. Ilaahay idinkii kama hawlgeli doonaan, lugna kuma yeelan doonaan wadankan. Sidoo kale haddii waa’ burcad badeed iyo wax noocaas lagu sheegi jiray u ogolaan mayno taako ka mida Galmudug. Nooma kala soocna argagixiso, burcad badeed iyo waxa lamidka ah, waan dabar-goyneynaa. Hobyana waxay noo sii tahay istiraatiiji, muhiim gaar ah ayayna noo leedahay. Waa la isugu yimid, wixii fitno u jooji jirayoo ka tashada oo ka tagga.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Xigasho:dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip