XOG: Farmaajo oo xog ku saabsan Maamul Goboleedyada la wadaagay Senatooro taageersan

0
Saturday June 20, 2020 - 15:10:45 in Wararka by
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Farmaajo oo xog ku saabsan Maamul Goboleedyada la wadaagay Senatooro taageersan

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan ku baaqay in shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, isla markaana Axmed Madoobe u aqoonsaday madaxweyne KMG ah ayaa dhowaan la kulmay senatooro ka tirs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan ku baaqay in shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, isla markaana Axmed Madoobe u aqoonsaday madaxweyne KMG ah ayaa dhowaan la kulmay senatooro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

                          Kulanka ayaa ku koobnaa ilaa 10 senator oo taageersan Madaxweynaha, waxayna ugu tageen isbedelka ku yimid Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsan Jubbaland iyo shirka uu isugu yeeray maamul Goboleedyada.

             Xogta aanu ka helay shirka ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu ku wargeliyay xildhibaannada taageersan in kulanka uu ku baaqay ee lagu casuumay maamul Goboleedyada kaliya looga hadli doono arrimaha Amniga oo ay ku jirin Doorashada oo uu ku adkeystay inay go’aan ka gaari doonaan labada aqal ee Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada Qaran.

            Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo aan faahfaahin ka bixin aqoonsiga uu Axmed Madoobe u aqoonsaday madaxweyne KMG ah muddo laba sano ah, iyadoo arrintaasi ay weli socoto oo aysan meel u dhicin.

Arrintan ayaa khilaafsan Baaqii Golaha Amniga Q/Midoobay iyo beesha Caalamka, waxaana sii dhammaanaya xilliga ay ahayd in shirkaasi la qabto oo ah ka hor 25 June.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip