Munaasabadda daahfurka mashruuca dhismaha ee Dekeda Hobyo (SAWIRRO)

0
Saturday June 20, 2020 - 14:53:11 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabadda daahfurka mashruuca dhismaha ee Dekeda Hobyo (SAWIRRO)

    Waxaa xalay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug lagu qabtay munaasabad ballaaran, oo lagu daahfuraayay mashruuca dhismaha ee Dekeda Hobyo, iyadoo daahfurkeedana si weyn looga soo qaybgalay. Madasha munaasabadda ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Galmudu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug lagu qabtay munaasabad ballaaran, oo lagu daahfuraayay mashruuca dhismaha ee Dekeda Hobyo, iyadoo daahfurkeedana si weyn looga soo qaybgalay. Madasha munaasabadda ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug, Golihisa Wasiirada, Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameedyo, ganacsatada deegaanka iyo marti sharaf kaloo ballaaran. Barnaamijka daahfurka ee dhismaha Dekeda Hobyo waxaad mooddaa inaanan xalay loogu kala harin degmadaasi, xilli si weyn loo adkeeyay amniga guud ee degmada. Barnaamijkan oo hal kudhig looga dhigay "Iskutashi" ayaa waxaa si rasmiya daaha uga rogay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug.                     Intii ay munaasabaddu socotay ayaa waxaa jiray yabooh lacageed, oo loo sameeyay dhismaha iyo horumarinta Dekeda Hobyo. Dhinacyadii ka qaybgalay munaasabadda ayaa in ku dhow boqol milyan oo dollar ugu deeqay Dekeda Hobyo.

           Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa noqday shakhsiga 1aad ee lacagta ugu deeqay Dekeda Hobyo, isagoona ugu yaboohay adduun lacageed oo dhan toban kun oo lacagta Mareykanka ah ($10,000). Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa iska soo daba-dhacayay dadka lacagaha ku yaboohaya dhismaha dekedan, oo ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed.

           Prof. Cabdiqaadir Maxamed Shirwac, Gudoomiyaha Golaha Hoggaaminta ee Beesha Habargidir ayaa ballanqaaday in beeshiisu ay konton milyan oo lacagta Mareykanka ku yabooheyso dhismaha Dekeda Hobyo.

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, kana soo jeeda Galmudug ayaa ballanqaaday in afartan milyan oo dollar uu ka keeni doono beelaha Galmudug.

Wasiirka Dekedaha & Kalluumeysiga Galmudug, Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo madasha ka hadlay ayaa marka hore ka mahadceliyay dhinacyadii mallaayiinta dollar ku yaboohay dhismaha Dekeda Hobyo.

"Waxaan idin hayaa warka wanaagsan ee ah in Dekeda Hobyo la dhisi doono markan. Waxaana lagu dhisi doonnaa iskaashiga bulshada iyo maalgashiga ganacsatada reer Galmudug. ” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa ka sheekeeyay sida Dekeda Hobyo ay muhiim ugu tahay shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana ay xilligan Galmudug u istaagtay, sidii dhismaheeda ay uga dhabeen laheyd.

"Dekeda Hobyo uma baahna dhagxaan aasaasi ah ama sawir dheeriya. Waxaa la gaaray waqtigii ficilka. Waxaa la soo gaaray xilligii la dhisi lahaa.” Ayuu yiri Wasiir Cabdisaabir.

Wasiir Cabdisaabir ayaa tilmaamay in ay hadda sidaan ku haystaan in ka badan sagaashan milyan oo dollar, iyadoo laga duulayo yabooha lacageed ee ay sameeyeen dhinacyadii munaasabadda ka ballanqaaday.

Dekeda Hobyo waxaa ay xilligan ka gudbeysaa dhagax-dhigii aan dhameystirka laheyn, ee intii muddo ahba ay sameynayeen Siyaasiyiinta qaarkood, markaad fiiriso sida xilligan la isugu tagey degmadaasi, waa sidii looga dhabeen lahaa dhismaheeda.

Dhismaha Dekeda Hobyo waxay ahayd rajo ay in muddo ahba ku taamayeen bulshada Gobolada Dhexe, waxaase iminka muuqata inay jaanta saartay jidkeedii ay ku gaari laheyd.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip