sARKAAL KA TIRSAN cIIDMADA Dowladda Soomaaliya oo lagu dilay M/Muqdisho

0
Saturday June 20, 2020 - 14:47:38 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    sARKAAL KA TIRSAN cIIDMADA Dowladda Soomaaliya oo lagu dilay M/Muqdisho

    Dabley hubaysan ayaa Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir waxa ay saakay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya. Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Militariga Somaliya, waxaana dara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley hubaysan ayaa Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir waxa ay saakay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya. Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Militariga Somaliya, waxaana darajadiisa aheyd laba Xidigle, sida saraakiisha Booliska qaarkood xaqiijiyeen.

               Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Raage Maxamuud, waxaana uu u dhintay rasaas dableyda ay ku fureen.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dharkiinley ayaa goobta ka soo qaaday maydka Marxuumka, waxaana halkaasi ka baxsaday dableydii dilka gaysatay.

           Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkaan, waxaana ay sheegeen amniyaadkooda inay beegsadeen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Somaliya, waxaa kale oo Shabaab ay sheegteen askari kale inay ku dileen xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip