Malala Yuusuf oo ka qalin jebisay Jaamacadda Oxford

0
Saturday June 20, 2020 - 14:37:18 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malala Yuusuf oo ka qalin jebisay Jaamacadda Oxford

    Malala Yuusuf oo ah gabar u dhalatay dalka Bakistan horena ugu guuleysatay abaalmarinta Nabadda ee Nobel ayaa ka qalinjebisay jaamacada caanka ah ee Oxford ee dalka Ingiriiska. Gabadhan oo u ololeysa xuquuqda aadanaha ayaa muujisay " sida ay ug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malala Yuusuf oo ah gabar u dhalatay dalka Bakistan horena ugu guuleysatay abaalmarinta Nabadda ee Nobel ayaa ka qalinjebisay jaamacada caanka ah ee Oxford ee dalka Ingiriiska. Gabadhan oo u ololeysa xuquuqda aadanaha ayaa muujisay " sida ay ugu faraxsan tahay " ka dib markii ay dhamaysay oo ay ka qalinjabisay jaamacadda Oxford.

Ms Yousafzai ayaa labo sawir oo ay soo dhigtay barteeda Tweetar-ka waxay shaacisay inay dhameysatay shahaadada heerka kowada ee jaamacadda.

Mid ka mid ah sawiradan ayaa la arkayay iyada oo la dabaaldagaysa qoyskeeda. "Ma aqaan waxaan ku cabiro farxadeyda imika aniga oo ka qalinjabiyay kuliyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ee jaamacadda Oxford” ayay tiri Malala.

                Malala oo 22- sano jir ah ayaa ka badbaaday isku day dil oo ay u geysteen kooxda Taliban ka dib markii ay madaxa ka toogteen. Malala Yousafzai ayaa ka baratay jaamacadda Oxford cilmi siyaasadda iyo dhaqaalaha.

           Waxa laga toogtay madaxa, luqunta iyo garabka xilli ay iskuulka ka timid islamarkana ay guriga ku sii jeeday. Markii ay ka soo kabatay dhaawicii so gaaray ayaa waxay iyada oo qoyskeeda u soo wareegeen dalka UK gaar ahaan Birmingham.

              Sanadkii 2014, waxay noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee ku guuleyta abaalmarinta nabadda ee Nobel. Waxay xilligaas ay abaalmarinta ku guuleysanaysay da’deedu ahayd 17 sano jir.

            Saddex sano ka dib waxay jaamacadda Oxford aqbashay diiwaangalinteeda halkaasi oo ay imika ka qalinjabisay. 2017 Malala Yusuf ayaa noqotay qofka ugu da’da yar ee noqda ergay nabadeed oo Qaramada Midoobay ka tirsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip