Mooshin laga gudbiyay Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Baarlamaanka Federalka

0
Saturday June 20, 2020 - 14:26:17 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooshin laga gudbiyay Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Baarlamaanka Federalka

    Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulankoodii maanta waxa ay uga hadleen qoondada haweenka ay ku leeyihiin labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama dalka uu guda galayo doorashada 2020/2021.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulankoodii maanta waxa ay uga hadleen qoondada haweenka ay ku leeyihiin labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama dalka uu guda galayo doorashada 2020/2021.

               Guddoonka Golaha Shacabka waxaa maanta loo gacan geliyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin in ka badan 130-Xildhibaan, kuwaas oo soo jeediyay in Xildhibaannada Haweenka ah kaliya kuraastooda ay u tartamaan dumarka oo kaliya si loo xaqiijiyo 30%.

          Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira labada Gole ayaa ka walwalsan in ay waayaan saamiga laga siiyay tirada Baarlamaanka oo ah 30% waana tan keentay in ay dood ka furaan inta lagu guda jiro doodda ku saabsan ka hadlidda xuquuqdooda.

      Kuraasta Xildhibaannada waxaa dib loogu celinayaa Beelaha leh si doorasho markale ay usoo galaan mudanayaasha afarta sano ku fadhiso, iyo xubno cusub oo ku guda jira loolanka la xiriira hanashiisa.

           Beesha Caalamka ayaa wada cadaadis ay ku saarayaan baarlamaanka in aan la faragelin qoondada haweenka ay ku leeyihiin labada gole.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip