Shaxda Siyaasadda!!!. (Qormo mudan inaad aqriso si aad u ogaato Xaqiiqda).

0
Saturday June 20, 2020 - 14:16:37 in Wararka by
  • Visits: 1600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaxda Siyaasadda!!!. (Qormo mudan inaad aqriso si aad u ogaato Xaqiiqda).

    Kenya sideey u qorsheeysay kursiga loo doortay ee Golaha Ammaanka oo ka mid ah 15 ka Dal, 5 joogta ah oo leh codka Vito Sida, UK, Russia, US, Fransa, Shiinaha iyo 10 xilka loo doorta muddo laba Sanno ah, si Sannad Sannad ah 5 ka mid ah. ( F.S:1aad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya sideey u qorsheeysay kursiga loo doortay ee Golaha Ammaanka oo ka mid ah 15 ka Dal, 5 joogta ah oo leh codka Vito Sida, UK, Russia, US, Fransa, Shiinaha iyo 10 xilka loo doorta muddo laba Sanno ah, si Sannad Sannad ah 5 ka mid ah. ( F.S:1aad) maxaa kuu baxay?. 1.Hadda shanta 5ta la doortay waxay Cod buuxa ku leeyihiin Golaha Ammaanka, waxaana doortay Golaha guud Bishan June 2020, waana Kenya, Norway, Irland, Mexico, iyo India. (F.S: 2, 3, 4aad)
                2.Kenya waxa ey xaq u yeelanee iyada oo Africa oo dhan ku matalee in ey wax ka gaarto go’aanada sida Gaarka ah Goluhu u gaaro sida:
a) in Cuna qabateeyn la saaro waddan kasta oo Caalamka ka mid ah.
b) ogolaasho in Xoog la isticmaalo si Nabad looga dhaliyo wadan kaata oo xubin ah UN ka.

c) Magacaabidda Garsoorayaasha Maxkamadda Aduunka, (Ogoow waxaana dhamaanayo mudda xileedkii halkii Garsoore ee Somaliga ahaa, iyo Awooda kale oo eyna leheeyn Wadamada Xubnaha ka ah Golaha Guud).
 3.Shanta Wadan ee cusub iyo Shanta joogtada ah midkoodna Muslim ma ahan.
4. Norway iyo Kenya hore ayeey ugu lug lahaayeen Dacwada Badda Somalida, Haddana waxa ey xubno cusub ka noqdeen Golaha Amaanka) .
5.Iyada oo Dacwadihii kale ee Maxkamada hor yiil qaarkood la qaadayo ayaa Tii Badda ee Somalida dib loo dhigay illaa Sannadka dambe inta Kenya ey uga fadhiisanee kursiga.


             
5.Kenya waxa ey heshay 129 Cod, Jabuutina 62 Cod. waqtigii ololaha doorashada ,waddama badan oo Carab iyo Africaan ah ayaa Kenya u codeeyay, Jabuuti waxa ey isku haleeyneysay qaar ka mid ah wadamadii Faransiisku gumeeysan jiray.
6. Wakiilka UN u joogo Somaliya Mr.James Swan waa Mareykan, Xaaskiisa Mrs.Daphne Michelle Titus waa Kenyaan Muddo Siyasadda ku soo jirtay, Xubno Qooyskeeda ka mid ah ayaana ah Siyaasiyiinta ey Kenya si aad ah ugu kalsoontahay. waxaan xaq u leheeyn markii la soo magacaabayay Mr.Swan in aan diidno, waana nalagala tashaday, waxaana xaq u leheyn in aan diidno sida uu noo ogolyahay sharciga UN, Laakin waan ogolaanay ( FG: Runtii, Anniga oo Alla ka baqayo oo aan been kuu sheegeyn, waqtigaa waan uga digay Madaxda sare ee Dowlada qaarkood iyo Ergada noo joogto Xarunta UN ee New york) Nasiib Daro codkeeygu waxa uu ku ekaa Talo siin walaal ee Awood kuma leheyn Maamulka, Dowladana Xil kama heeyn.
7. Hindiya oo hore Kursigaa u qaatay dhowr jeer sida:1950-51, 1967-68, 1972-73, 1977-78,1984-85, 1991-92, 2011-12 ayaa haddana mar kale loo dooraty, Hindiya waxa ey Xiriir fiican la leedahay Kenya. Hindiya ayaa 192 Cod ka heshay 184 cod. South Africa oo hore 3 mar xilkaa u soo qabatay iyada oo Africa ku matalee ayaa Sannadkii hore xilka heeysay, Laakin hadda Kenya ayaa bedeshay.
Siyaasi ma ihi,Baddana weligeey ka hari maayo ee Adiga, Maxaa ku baxay?
                                                       Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip