Al-Shabaab oo xukun ku fuliyay laba wiil oo dhalinyaro ah

0
Saturday June 20, 2020 - 14:08:16 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo xukun ku fuliyay laba wiil oo dhalinyaro ah

    Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Galhareeri ee gobolka Galgaduud waxay xukun jeedal ah kula fuliyeen laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay kufsi u geysteen gabar ka mid aheyd dadka deegaanka. Nin sheegt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Galhareeri ee gobolka Galgaduud waxay xukun jeedal ah kula fuliyeen laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay kufsi u geysteen gabar ka mid aheyd dadka deegaanka. Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Galguduud ayaa dadkii la isugu keenay fagaaraha ay xukunkaas ku fulinayeen waxa uu ka hor sheegay in dhalinyaradaas ay qirteen inay kufsi u geysteen gabadha, isla markaana lagu xukumay min 100 jeedal.
    

Xukunkaas mid 100-ka jeedal ah ayaa lagu fuliyey labadaas wiil ee dhalinyarada ah, kuwaas oo lagu kala magacaabo Maxamed Yuusuf Maxamed iyo Cabdifiataax Salaad Cabdi, kuwaas oo ay sheegeen in laga musaafirinayo deegaanka.

        Sidoo kale dhalinyaradaas ayey Al-Shabaab ku xukumeen inay bixiyaan min 14 neef oo Ari ah, maadaama sida ay goobtaas ka sheegeen aysan guur horay u soo marin.

       Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan waxay ka fuliyaan xukunno dil u badan, waxayna badanaa dadka ay dilaan ku eedeeyaan basaasnimo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip