Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Guusha ay Kenya ka gaartay Jabuuti

0
Friday June 19, 2020 - 21:29:58 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Guusha ay Kenya ka gaartay Jabuuti

    Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadashay guushii ay Dowladda Kenya ka gaartay dowladda Jabuuti ee ku aadan helida kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadashay guushii ay Dowladda Kenya ka gaartay dowladda Jabuuti ee ku aadan helida kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Amb, Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Kenya ugu hambalyeeyey Gushaas,isaga oo sheegay in uu ka rajeynayo inay si wanaagsan ugu matasho Danaha Gobolka,kadib qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka. " Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Dadka CSoomaaliyeed, waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Kenya oo loo doorto xubin aan joogto aheyn oo ka tirsan QM, Waxaan ku kalsoonahay Kenya inay si wanaagsan u matasho danaha gobolkeena ayuu yiri" Amb. Axmed Ciise Cawad. Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf ka dhashay muranka ay Kenya gelisay Badda Soomaaliya oo dacwadeeda ay taallo Maxkamadda ICj,waxaana Soomaaliya ay horay u taageertay Jamhuuriyadda Jabuuti oo looga adkaaday tartan codeyn ah oo ka dhacday xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay. Dowladda kenya ayaa wareegga labaad ee doorashada heshay 129 cod, halka Jabuuti ay heshay 62 cod,waxaana taasi ay keentay inay Kenya ku guuleysato kursiga aan joogtada aheyn ee Qaramada Midoobay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip