Wariyeyaal lagu xiray Magaalooyinka Laascaanood & Ceerigaabo

0
Friday June 19, 2020 - 21:07:11 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyeyaal lagu xiray Magaalooyinka Laascaanood & Ceerigaabo

    Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo ku xiray suxufiyiinta kal ah: Khadar Rigaax Jaabir Siciid Ducaale (dhexe) iyo Khadar Tarabi,xilli ay soo tebinayeen banaanba ay dhigayeen dad Shacab ah oo cabasho ka qabay Sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo ku xiray suxufiyiinta kal ah: Khadar Rigaax Jaabir Siciid Ducaale (dhexe) iyo Khadar Tarabi,xilli ay soo tebinayeen banaanba ay dhigayeen dad Shacab ah oo cabasho ka qabay Shirka Jabuuti. Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo kamid ah Ururada ka jira Soomaaliya ayaa cambaareeyay xariga loo geystay Wariyeyaasha, iyaga oo dalbaday in xrurriyadooda la siiyo. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga is xig xigay ee ciidamada ammaanka Somaliland ay u geysteen suxufiyiin ku kala sugan gobolada Sool iyo Sanaag.

Ciidanka booliska ee magaalada Laascaanood ayaa xabsiga u taxaabay weriyayaasha kala ah: Khadar Maxamed Tarabi oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable iyo Khadar Rigaah Axmed, oo ka howlgala Telefshinka Universal TV maalinimadii Talaadada 16 Juun, abbaare 9:00 subaxnimo. Xarigga weriyayaasha ayaa yimid xilli ay ku howlanaayeen soo tebinta isu imaatin dadweyne cabasho ka qabay shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland u dhexeeyay ee ka dhacay dalka Jabuuti. Suxufiyiinta ayaa lagu hayay xabsiga dhexe ee Laascaanood, waxaana xorriyadooda ay dib u heleen maalinnimadii Arbacadii 17 Juun abbaare 5:30 galabnimo iyagoo wax dembi ah aanan lagu soo oogin.

Booliska dembi baarista ee CID-da magaalada Ceerigaabo ayaa xiray weriye Jaabir Saciid Ducaale (Bulshaawi) oo ka howlgala telefishinka Horyaal24 TV maalinnimadii Talaadada ee 16 Juun isagoo markaasi ku howlanaa tebinta warar la xiriira cabashooyin laga muujinayay hannaanka ka qeybgalka wada-hadalada u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Weriyaha ayaa la sii daayay maalinnimadii Arbacada 17 Juun iyadoo shuruud looga dhigay in uu boolisku xiligii ay u baahdaan ay u yeeri doonaan.

Dhanka kale, maamulka gobolka Gedo ayaa magaalada Buurdhuubo ku xiray weriye Bishaar Ibraahim Adan 10 Juun, 2020. Sida uu weriyaha iyo labo saxafi oo kale u sheegeen SJS, xarigga ayaa ka dambeeyay kadib markii lagu eedeeyay weriyaha in uusan si wanaagsan u tebinin wararka u xaglinaya maamulka gobolka Gedo ee ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Suxufiga ayaa markii dambe xorriyadiisa dib u helay iyadoo aan wax dacwad ah lagu oogin.

"Xarigga loo geysanayo suxufiyiinta ku guda jira waajibaadkooda shaqo iyo in xabsiga lagu hayo iyagoo wax dembi lahayn iyadoo looga gol leeyahay in lagu aamusiyo tebinta wararka madaxa-bannaa, ma ahan kaliya xadgudub ka dhan ah xuququuqdooda aas-aasiga ah ee ku saleysan xorriyadda hadalka iyo tan fikirka ee lagu damaanad qaaday Dastuurada Dowladda Federaalka ah iyo kan Somaliland, ee waxaa ka ratibmaya xadgudub ka dhan ah xuquuqda bani’aadanimo ee ay leeyihiin warfidiyeenkaasi,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri isagoo ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xurmeeyaan xaqa helista xogta, una ogolaadaan suxufiyiin inay ku shaqeeyaan deegaan nabdoon iyagoon wax cabsi ah ka qabin aargoosi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip