Dagaal dhex-maray Al-Shabaab iyo Kooxda Macaawiisleey

0
Friday June 19, 2020 - 21:03:34 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal dhex-maray Al-Shabaab iyo Kooxda Macaawiisleey

    Xubno ka tirsan Kooxda Macaawiisleey iyo Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ku dhex-maray degaaano ka irsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka tirsan Kooxda Macaawiisleey iyo Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ku dhex-maray degaaano ka irsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerareen degaannada Yaaqbariweyne iyo Kaba-hirig oo u dhaw Garoonka Belidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose,halkaas oo ay gacanta ku hayaan Xubno ka tirasn Kooxda Macaawiisleey. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka oo socday saacado badan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,hayeeshee aan loo dhawaan karin halka uu dagaalka ka dhacay. Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dagaalka khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab,balse ay afduubteen Afar Qof oo Shacab ah oo laba kamid ah ay dileen sida uu hadalka u dhigay. Wararka laga helayo degaannada Yaaqbariweyne iyo Kaba-hirig oo u dhaw Garoonka Belidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay degan tahay,isla markaana Xubnaha Kooxda Macaawiisleey ay weli ku sugan yihiin degaannadaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip