Puntland" Dadka mudahaaradyada abaabulaya waxaa ay lamid yihiin Al-Shabaab"

0
Friday June 19, 2020 - 20:57:13 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland" Dadka mudahaaradyada abaabulaya waxaa ay lamid yihiin Al-Shabaab"

    Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) ayaa ka hadlay banaanbaxyo laga abaabulayo Magaalada Boosaaso,kaas oo ay doonayaan inay dhigaan dad ka careysan hannaanka loo qaybiyay Waaxyaha Magaalada Boosaaso. Guddoomiyaha oo la had

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) ayaa ka hadlay banaanbaxyo laga abaabulayo Magaalada Boosaaso,kaas oo ay doonayaan inay dhigaan dad ka careysan hannaanka loo qaybiyay Waaxyaha Magaalada Boosaaso. Guddoomiyaha oo la hadlay mid kamid ah Warbaahinta ka howlgasha degaanada Puntland ayaa sheegay in aysan Maamulka aqbali doonin in la siyaasadeeyo hanaankaas,isla markaana dadka dano gaar ah leh ay bulshada kiciyaan. Waxaa uu ka digay in banaanbaxyo laga dhigo Magaalada Boosaaso,isaga oo sheegay in cid kasta oo ku howlan ay la mid tahay kuwa is qarxiya oo uu ula jeedo Al-Shabaab. Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) ayaa dhowr jeer oo hore waxaa uu eedeyn kala duwan u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana uu kamid yahay saaxiibada dhow ee Madaxweynaha Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip