SAWIRO:-Banaanbax ka socda Magaalada Boosaaso

0
Friday June 19, 2020 - 09:51:56 in Wararka by
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Banaanbax ka socda Magaalada Boosaaso

    Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Puntland ayaa waxaa Maanta ka bilaawday dibadbax Cabasho ah oo ay dhigayaan qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaaladaasi. Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay ka cabanayaan hannaanka loo qaybiyay Waaxyah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Puntland ayaa waxaa Maanta ka bilaawday dibadbax Cabasho ah oo ay dhigayaan qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaaladaasi. Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay ka cabanayaan hannaanka loo qaybiyay Waaxyaha kala duwan ee Magaalada Boosaaso,waxaana banaanbaxayaasha ay xirteen wadooyinka qaar, iyaga oo dhagxaan ku jraya sidoo kalena taayaro ku gubay. Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ku dhawaaqayaan erayo ay ku diidan yihiin hannaanka loo qaybiyay Waaxyaha Magaalada Boosaaso,waxaana dibadbaxa uu saameyn ballaaran ku yeeshay isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga. Magaalada Boosaaso waxaa maalin ka hor lagu soo daadiyay Ciidamo ka tirsan Puntland,kuwaas oo oogu talo galay inay ka horagaan banaanbaxa,hayeeshee Maanta ay awoodi waayeen. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaay banaanbaxayasha u jeediyeen edeyn culus,waxaana ay sheegayeen in Wasaaradda si qaldan u qeybisay Magaalada Boosaaso, iyaga oo sheegay in aysan bixin doonin Canshuur. Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dadka banaanbaxyada abaabulaya ay la mid yihiin kuwa isqarxiya oo uu ula jeeday Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip