Maxaa Ka Jira Inuu Is Casliay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya?

0
Thursday June 18, 2020 - 22:31:00 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira Inuu Is Casliay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya?

    Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay inuu xilka iska Calisay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Xijaar, hayeeshee Dowladda Federaalka ayaa ka hadashay Warkaas. Afhayeenk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay inuu xilka iska Calisay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Xijaar, hayeeshee Dowladda Federaalka ayaa ka hadashay Warkaas. Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Cumar Orange oo War qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku beeniyay wararka sheegayay inuu Taliye Xijaar is Casilay, isla markaana waxaa xusay in Warka la faafiyay uu yahay waxba kama jiraan. Sidoo kale Ismaaciil Orange ayaa waxaa uu tilmaamay in Taliyaha uu shaqadiisa wato, ayna la yaab ku noqotay markii arkay qoraalada lagu faafiyay baraha Bulshada. Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa warbaahinta ugu baaqay inay ay ka fogaadaan wararka aan xaqiiqda ku saleysneyn, si looga fogaado in ay lunto kalsoonida ay umaddu ku qabaan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda 

Warfaafinta.

          Waa Been Abuur sal iyo raad toona laheyn Wararka lagu baahiyay Baraha Bulshada ee la xiriira in uu shaqada iska Casilay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

            Waxa baraha bulshada lagu daabicin daabacay qoraal been abuur ah oo lagu sheegay in taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar uu iska casilay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

             Taliye Xijaar oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay in layaabay markuu arkay qoraalada been abuurka ah ee Baraha bulshada la isku dhaafsanayay, islamarkaana ula jeedku yahay in YouTube-yada magac looga raadsado Comments-yana lagu helo been abuurka intaa la eg.

              Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa ku gudajira shaqada uu qaranka u idmaday wuxuuna galabta shir guddoominayay kulanka todobaadlaha ee saraakiisha talisku isaga xog wareystaan howlaha guud amniga dalka.

                 Hahda Saxaafadda Soomaaliyeed oo aan ku ammanayo shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan waxaan ku boorinayaa in ay ka fogaadaan wararka aan xaqiiqda ku saleysneyn, si looga fogaado in ay lunto kalsoonida ay umaddu ku qabaan.

xigasho:-radiodalsan.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip