Paul Scholes: Arsenal Ma Lahan Xiniinyihii Ay Ku Garaaci Lahaayeen Tottenham Sabtida.

0
Thursday March 03, 2016 - 12:03:46 in Sports News by
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Paul Scholes: Arsenal Ma Lahan Xiniinyihii Ay Ku Garaaci Lahaayeen Tottenham Sabtida.

    Arsenal ma lahan geesinimada ama xiniinyihii ay ku garaaci lahaayeen Tottenham kulanka sabtida ee North London derby sidaasi waxaa yiri Paul Scholes.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ma lahan geesinimada ama xiniinyihii ay ku garaaci lahaayeen Tottenham kulanka sabtida ee North London derby sidaasi waxaa yiri Paul Scholes.

Ka dib axadii markii ay guuldarro 3-2 ka soo gaartay Manchester United, rajadii horyaalka ee Arsenal ayaa mar kale la sii dhaawacay ka dib guuldarro 2-1 ah oo xalayto ka soo gaartay Swansea City iyadoo weliba Emirates Stadium lagu ciyaarayo.

Kooxda Arsene Wenger waxa ay haatan lix dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Leicetser City iyadoo 10 kulan ay ka harsan tahay horyaalka, waxaana uu Scholes aaminsan yahay in hamigooda horyaalka uu soo dhamaan doono haddii ay Tottenham guuldarro kala kulmaan ciyaarta White Hart Lane ka dhaceysa.

2778602_heroa

"Spurs waxaaba ay Arsenal ku garaaci kartaa iyadoo marti ah” ayuu xiddigii hore ee khadka dhexe u sheegay BT Sport.

"Su’aasha aan Arsenal u hayo ayaa ah – Arsenal miyay leedahay geesinimo ay halkaas ku aado islamarkaana ay ciyaarta ku badiso ka dib labadii natiijo ee soo martay?

"Shaki ayaa iiga jira haddii ay leeyihiin geesinimadaas ama xiniinyaha ay ku aadi karaan halkaas islamarkaana ku soo badin karaan.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip