Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide

0
Thursday June 18, 2020 - 16:14:49 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide

    Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa shalay booqasho gaaban ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo siday deeq daawo ah oo dowladda Itoobiya ugu tala gashay ka hortagga cudurka Coronavirus. Axmed Shide oo ka mid ah wasiirada aadka ugu dhow Ra

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa shalay booqasho gaaban ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo siday deeq daawo ah oo dowladda Itoobiya ugu tala gashay ka hortagga cudurka Coronavirus. Axmed Shide oo ka mid ah wasiirada aadka ugu dhow Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Madaxtooyada Villa Somalia waxaa ku qaabilay Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide yaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal, hindisaha is dhex galka Geeska Afrika, isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo heshiiska wadajirka ah ee Iskaashiga Amniga labada dal. Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Jamaaludin Mustafa ayaa qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in kulankan uu ahaa mid aad ugu wanaagsan xiriirka labada dal, iyo inuu ahaa wada hadal miro dhal ah oo dhinacyo badan taabanayay, sidoo kalena agabka loogu tala galay ka hortagga Covid-19 ee ay dowladda Itoobiya ku deeqday uu marqaati u yahay xiriirka wanaagsan ee soo koraya ee ka dhaxeeya labada dal.      

             Booqashada Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ku yimid Muqdisho ayaa ku soo aaday labo sano kaddib markii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu booqasho ku yimid Muqdisho, iyadoo heshiis taariikhi ah ay wada saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo, waxaana qodobo ka mid ah heshiiskaas ka mid ahaa in Itoobiya ay maalgashato afar dekadood oo Soomaaliya ku taal, inkastoo heshiiskaas ka dhashay su’aalo badan illaa iyo hadda lama horkeenin Baarlamaanka Federaalka, waana heshiisyo mugdi badan ku jira oo Madaxweynuhu soo galay oo aan illaa iyo hada si dhab ah wax looga ogeyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip