Guuleed "Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland waxay wali marayaan halkii 5 sano ka hor ay…

0
Thursday June 18, 2020 - 16:11:38 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guuleed "Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland waxay wali marayaan halkii 5 sano ka hor ay…

    Madaxweynihii hore Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed horayna u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka dowladdii hore ayaa sheegay in wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ay marayaan halkii ay joogtay 5 sano ka hor. Qoraal uu bart

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed horayna u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka dowladdii hore ayaa sheegay in wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ay marayaan halkii ay joogtay 5 sano ka hor. Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ugu horeyn ku soo dhoweeyay wada hadalada dib u bilowday ee Soomaaliya iyo Somaliland, hase ahaatee wax laga xumaado ay tahay in wada hadaladu ay marayaan halkii shan sano ka hor ay joogtay.                           "Anigoo soo dhaweynaya dib u bilowga wadahadalada labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland iyo heshiiska isfaham ee lagu gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, haddana waxaa wax laga xumaado ah in maanta wadahadadii Soomaaliya iyo Somaliland ay wali marayaan halkii shan sano hor ay joogtay, ayadoo wax horumar ah aysan dowladda hadda joogto ku darin”ayuu yiri C/kariin Guuleed oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka xilligii wada hadalada Somaliland is fahamka iyo heshiiska laga gaaray 5 sano ka hor.

               Sidoo kale waxaa uu xusay in wax lala yaabo ay aheyd in wada hadaladii Jabuuti ay hoggaanka dowladda Federaalka oo si mug weyn uga qeyb galeen, uguna muujiyeen shacabka in wax weyn ka soo baxayaan laga soo saaray oo kaliya shan qodob oo 6 sano ka hor la gaaray.

           Ugu dambeyn waxaa uu xusay in Hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga baahan tahay wada hadalka iyo dib u heshiisiinta Somaliland is faham, rabitaan iyo niyad wanaag dhab ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip