Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shirkii kusoo gabagaboobay dalka Jabuuti

0
Thursday June 18, 2020 - 16:08:17 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shirkii kusoo gabagaboobay dalka Jabuuti

    Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay shirkii xalay kusoo gabagaboobay dalka Jabuuti in uu ka turjumayo gogol xaarka wadahadalo heer sare oo dhexmara masuuliyiinta Soomaaliya iyo Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay shirkii xalay kusoo gabagaboobay dalka Jabuuti in uu ka turjumayo gogol xaarka wadahadalo heer sare oo dhexmara masuuliyiinta Soomaaliya iyo Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay in ay wada hadal dhab ah la gasho Somaliland, si loosoo celiyo xidhiidhkii iyo walaaltinimadii ka dhaxeysay ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jirto Somaliland. Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu tilmaamay heshiiska la saxiixay inuu tilmaamayo in ay labada dhinac ka go'an tahay in wada hadaladu sii socdaan oo si dhab ah looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee miiska saaran. Dowladda Soomaaliya ayaa mahad celin baalaran u jeedisay Jabuuti, iyadoo ku bogaadisay marti galinta shirkaan, waxayna sheegtay Jabuuti inay tahay dowladda kaliya ee fahamsan ahmiyada ay leedahay dib u heshiisiinta Soomaaliya.

  


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip