Puntland oo qaadacday Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casuumay maamul goboleedyada

0
Thursday June 18, 2020 - 16:01:00 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo qaadacday Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casuumay maamul goboleedyada

    Puntland ayaa shaacisay in aanay ka qeyb geli doonin shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay Madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka. Wasiirka Warfaafinta Puntland C/llaahi Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland ayaa shaacisay in aanay ka qeyb geli doonin shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay Madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka. Wasiirka Warfaafinta Puntland C/llaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa sheegay in Puntland ay taageersan tahay baaqii Aqalka Sare ee ahaa in Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay shir isugu yimaadaan si looga arrinsado hannaanka doorashada. Hadalkan ayuu Wasiirka ka sheegay mar uu la hadlayay warbaahinta gudaha ee Puntland, waana markii u horeysay ee Puntland ka jawaabto martiqaadkii Madaxweynaha soo saaray Axadii la soo dhaafay. Shirka uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo Maamul goboleedyada ayaa qorshihiisa yahay in si horudhac ah qadka muuqaalka la iska arko ay ku yeeshaan Madaxda, kaddibna ay isugu yimaadaan shir fool ka fool ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay cadaadis uga imaanayay Beesha Caalamka iyo dhanka Aqalka Sare, waxaana Axadii la soo dhaafay uu martiqaad u diray maamul goboleedyada inay isugu yimaadaan shirka Golaha Amniga Qaranka, isagoo labo sano Madaxweyne u aqoonsaday Madaxweynaha Jubbaland.

             




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip