Daawo Jurgen Klopp Oo Qosol Weyn Ku Dhuftay Markii Uu Ogaaday In Bayern Munich Ay Guuldarro Ka Soo Gaartay Kooxdiisa Hore Ee Mainz.

0
Thursday March 03, 2016 - 12:01:04 in Sports News by
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Jurgen Klopp Oo Qosol Weyn Ku Dhuftay Markii Uu Ogaaday In Bayern Munich Ay Guuldarro Ka Soo Gaartay Kooxdiisa Hore Ee Mainz.

    Tababare Jurgen Klopp ayaa jawi farxadeed ku jiray ka dib markii ay Liverpool xalayto 3-0 kaga badisay Manchester City habeenkii arbacada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Jurgen Klopp ayaa jawi farxadeed ku jiray ka dib markii ay Liverpool xalayto 3-0 kaga badisay Manchester City habeenkii arbacada.

Tababaraha Jarmalka ayaa ahaa mid dareen walba ku soo bandhigayay kursigiisa keydka intii ay socotay ciyaarta mudadii 90ka daqiiqo aheyd, waxaana uu wareysi cajiib leh oo ciyaarta ka dib ah uu siiyay BT Sport.

Waxa uu sidoo kale la hadlay BBC Sport, waxaana uu fal celin cajiib ah ka bixiyay warka ku saabsan in kooxdiisa hore Mainz inay garaacday kooxda Bayern Munich horyaalka Jarmalka.

klopp

Kooxda Pep Guardiola ayaa waxaa soo gaartay guuldaradoodii labaad ee Bundesliga ee xilli ciyaareedkan kulankii Allianz Arena waxana aay aheyd natiijo ruxday taageerayaasha kubada cagta xalayto.

Bayern Munich ayaa la filayay inay badiso kulankii xalayto ka dib markii uu Arjen Robben u barbareeyay bartamihii qeybta labaad – Jario Samperio ayaa hogaanka u dhiibay Mainz daqiiqadii 26aad laakiin Jhon Corodoba ayaa goolka guusha ka dhaliyay kooxda heysata horyaalka Jarmalka daqiiqadii 86aad.

Bayern ayaa haatan shan dhibcood ka danbeysa Borussia Dortmund oo ah koox kale oo uu Klopp tababare u soo ahaa, waxaana cad in tababaraha haatan ee Liverpool uu doonayo inuu arko kooxda Guardiola oo dhibco badan dhumineysa ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Isagoo u hadlayay BBC Sport, waxa uu yiri: "Waan la socdaa natiijooyinka kale, sidaasi darteed waxaan maqlay … Bayern waa laga badiyay.” Wuxuuna ku dhuftay qosol weyn oo lagu yaqaano tababaraha Jarmalka. Klopp ma uusan qarinin sida uu ugu faraxsan yahay guusha Mainz.

Halkaan laacibtv.net ka daawo qosolka uu Jurgen Klopp ku dhuftay markii uu ogaaday in Bayern Munich laga badiyay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip