RW. ku-xigeenka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta ganacsiga dalka.

0
Thursday June 18, 2020 - 15:49:26 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW. ku-xigeenka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta ganacsiga dalka.

    Muqdisho:-Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo ah guddoomiyaha guddida heer qaran ee fududeynta Ganacsiga Soomaaliya oo sidoo kale na ay Wasaaradda Ganacsigu iyo Warshadahu ka tahay hogga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo ah guddoomiyaha guddida heer qaran ee fududeynta Ganacsiga Soomaaliya oo sidoo kale na ay Wasaaradda Ganacsigu iyo Warshadahu ka tahay hoggaan, ayaa shir guddoomiyey kulan loogga hadlaayey dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee lagu fududeynaayo ganacsiga wadanka, waxaana kulamaddii ugu horreeyey loogga hadlay xubinimada Soomaaliya ay kaga mid noqonayso Ururka Ganacsiga Aduunka.               Guddida oo ay ku jiraan Wasiiro kala duwan iyo weli ba madax kale, ayaa la isku la gartay fududeynta dedaalada lagu doonaayo siddii ay Soomaaliya xubin uga noqon lahayd Ururka Ganacsiga Aduunka oo muhiimad weyn u leh dhaqaalaha Soomaaliya sidoo kale na abuuraya nidaam sharciyadeed oo Soomaaliya u sahlaaya inay kor-u-soo qaado dhaqaalaheeda, soo-jiidashada Maal-gashadeyaasha caalamiga ah, fursadaha ganacsi oo kordha iyo weli ba shaqo abuur xooggan oo ay heli doonaan dhallinyarada Soomaaliyeed maadaama ay yihiin kuwa bulsho ahaan ugu badan wadanka.

                Kulanka, waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya oo halkaas loogga ga mahad-celiyey kaalinta weyn ee ay ka qaateen siddii ay Soomaaliya uga mid noqon lahayd ururka Ganacsiga Aduunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip