ADDUUN WAA GELINBA HEER!!!.

0
Thursday June 18, 2020 - 15:37:05 in Wararka by
  • Visits: 1636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ADDUUN WAA GELINBA HEER!!!.

    Inkasta oo uu wakhti dheer raadinayey midii uu nolosha la qaybsan rabey lana soo gaarey xilligii uu ku taamayey guurkiisa maadama uu fidey ganacsigiisii meelo badana gaarey isaga oo qorsheystay in dib u dhac dambe uusan ku iman guurkiisa da,diisuna a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkasta oo uu wakhti dheer raadinayey midii uu nolosha la qaybsan rabey lana soo gaarey xilligii uu ku taamayey guurkiisa maadama uu fidey ganacsigiisii meelo badana gaarey isaga oo qorsheystay in dib u dhac dambe uusan ku iman guurkiisa da,diisuna ay sii weynaaneyso.
        Sidaa darteed waxa uu baadi goob u galey qoftii uu u xulan lahaa in ay nolosha la wadaagto waxaana u suuragashey in uu nasiib u helo gabar quruxley ah oo dabeecad Wanaag iyo naxariis Alle u dhaliyey.
Habeenkii ugu horeeyey ee Arooskooda ayaga oo ku jira Farxadii Aqal galkooda , wakhtigaasna ay Cunayaan cashadii ugu horeysay ee Lamaanahaasi ay Wadaagaan, ayaa si lama filaan ah Albaabka loo soo garaacey.
Waxa uu ka codsadey Xaaskiisa in ay Albaabka furto, markiiba waxa ay aragtey nin Maskiin ah oo tuugsanaya Waxa uuna u sheegey, in ay hayso baahi daran isaga oo ka codsadey in ay siiyaan wax uu cuno.
Intii ayna xaaskiisa Jawaabin ayaa markuu maqley hadaladiisa ogaadeyna in uu yahay Maskiin Tuugsanaya ayuu Canaan, Aflagaado iyo Cayrinba isugu darey.
” War bax…Waryaa ma Xoolaha ayaad noo dhiibatey?!!…Mise gurigaad leedahay Maxaad Albaabka saas ugu garaaci?!!!”.
Maskiinkii waxa uu meesha ka dhaqaaqey isaga oo aad u murugeysan, wax uu cuno iska dhaaf ee yax-yax la luudaya.
Muddo yar kadib ninkii Taajirka ahaa waxaa ku bilowdey hoos u dhac Dhaqaale, hantidiisii oo baaba,dey iyo khilaaf u dhaxeeya isaga iyo reerkiisii, kaas oo markii danbe keenay in ay kala tagaan ama isfuraan.
Wakhti markii ay ka soo wareegatey Gabadhii waa ay guursatey .
Habeenkii Arooskeeda ayaa Albaabka la soo garaacey iyaga oo wadaagaya Cashadii ugu horeysey, ninkeedii ayaa ka Codsadey in ay Albaabka ka furto qofka garaacaya waxa ayna markiiba ugu tagtey Nin Maskiin ah oo tuugsanaya siddii Arooskeedii hore.
Ninkeedii ayaana weydiiyey cida Albaabka garaaceysa, waxa ayna ugu jawaabtey .


              
               ” Waa nin Maskiin ah oo tuugsanaya”
Waxa uuna ku soo dhawaaqey kalmado naxariis, farxad iyo reyn-reyn ay ka Muuqato isaga oo siiyey Cuno, Lacag iyo Dharba.
Si wanaagsan ayuu u ambabixiyey.
Intaa kadib waxa uu arkey Xaaskiisii oo Oohin bilowdey , waxa uuna weydiiyey.
"Maxaa kugu dhacay oo aad la Ooyneysaa?!!”
Waxa ayna u sheegtey in ninka Miskiinka ah ee uu ka Farxiyey uu ahaa ninkeedii hore ee Qabi jirey.
Kadib waxa ay aragtey ninkeedii oo Isna Oohin bilaabey iyada oo naxsan ayey Weydiisey
                "Maxaa adigana kaa Ooysiiyey?!!” Waxa uuna ugu Jawaabey
” Aniguna waxaan ahey ninkii Tuugsanayey ee Miskiinka ahaa ee habeenkii Arooskaagii hore uu Cayriyey Ninkaagii sida xuna ula Dhaqmey”
Xigmada Sheekadu waa in Qofna uusan isa siin Nolosha uu markaa ku jiro, oo ADDUUN GALINBA HEER yahay.
Maxamed Faarax Duurgal


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip