Turkiga oo Burburiyay fariisimo ay lahaayeeen Kurdiyiinta Ciraaq

0
Thursday June 18, 2020 - 15:14:25 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo Burburiyay fariisimo ay lahaayeeen Kurdiyiinta Ciraaq

    Ciidamada Turkiga ayaa duqeeyay in kabadan 500 oo bartilmaameed oo kuyaal woqooyiga Ciraaq taas oo qayb ka ahayd hawlgal ka dhan ah Dhaqdhaqaaqa Kurdistan ee (PKK), sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkiga. Bayaan ay soo saartay W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Turkiga ayaa duqeeyay in kabadan 500 oo bartilmaameed oo kuyaal woqooyiga Ciraaq taas oo qayb ka ahayd hawlgal ka dhan ah Dhaqdhaqaaqa Kurdistan ee (PKK), sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkiga. Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Maanta ayaa lagu sheegay in dayuuradaha noocoodu yahay F-16 ay weeraro ku burburiyeen in ka badan 500 oo bartilmaameed oo PKK, muddo 36 saacadood gudahood ah. Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa garaacay bartilmaameedyada PKK meelo kala duwan oo waqooyiga Ciraaq ah, Axadii iyo Talaadadii laba weerar oo kala duwan, kuwaas oo Ankara ay sheegtay inay jawaab u tahay kororka weerarada xagjiriinta ee lagu qaadayo saldhigyada ciidamada Turkiga. Ankara ayaa Talaadadii ka furatay saldhig waqooyiga gobolka Haftanin ee Ciraaq. Taliska howlgalka wadajirka ah ee Ciraaq ayaa dhaleeceeyay tallaabada xuduudeedu ay ahayd "ficil kicinta" waxayna ku eedeeyeen ciidamada Turkiga in ay weerareen xero qaxooti. Inka badan 40,000 oo qof ayaa lagu dilay isku dhaca, oo diirada lagu saaray koonfurta bari ee Turkiga.

             




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip