Taliska Boliiska oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Alshabaab

0
Thursday June 18, 2020 - 14:15:07 in Wararka by
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Boliiska oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Alshabaab

    Afhayeenka Ciidanka boliiska Soomaliye dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal saacadihii iyo maalmihii ugu dambeyay ay sameeyeen ciidamada boliiska ee ka howlgala magaalada Muqdisho. Dhamme Sadiiq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Ciidanka boliiska Soomaliye dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal saacadihii iyo maalmihii ugu dambeyay ay sameeyeen ciidamada boliiska ee ka howlgala magaalada Muqdisho. Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay howlgal ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen degmada Dharkenley in ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Alshabaab su'aalana lagu weydiinayo xarunta dembi baarista CID-da. Afhayeenka ciidanka Boliiska ayaa sheegay 15-kii bishaan in xaafadda Dabakaayo-madow ee degmada Dharkeynleey lagu qabtay nin magaciisa uu ku sheegay Xasan C/llaahi Salaad oo ka tirsanaa amniyaadka Alshabaab dilna ka geystay degmada iyo rag kale oo isa ga la shaqeynayay iskuna qarinayay sida uu yiri Studi-yaha Cajaladaha aflaamta Filimaanta iyo Heesaha lagu kireeyo laguna ciyaaro Jaaska. Dhinaca kale waxa uu sheegay in lala qabtay rag kale oo ay ka wada tirsanaayeen Alshabaab waxaana uu tilmaamay in sharciga la horkeeni doono sida uu yiri, dhanka kalana waxa uu shaaca kal qaaday in Bishii hore la qabtay Shabakad is aruursanaysay laguna qabtay EX: Koontarool Afgooye iyo Dharkenleey kuwaas oo qorshaynayay qaraxyo ay fuliyaan.

       


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip