Soomaali Burcad badeednimo u xirneyd oo dalka lagu soo celiyay

0
Thursday June 18, 2020 - 14:08:15 in Wararka by
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali Burcad badeednimo u xirneyd oo dalka lagu soo celiyay

    Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa laga dejiyay 13 maxbuus oo laga soo daayay xabsiyada waddanka Cummaan ,kuwaas oo ku eedeysnaa falal ay kamid yihiin Burcad badeednimo. Maxaabiistaan ayaa waxaa ay xirnaayeen muddo saga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa laga dejiyay 13 maxbuus oo laga soo daayay xabsiyada waddanka Cummaan ,kuwaas oo ku eedeysnaa falal ay kamid yihiin Burcad badeednimo. Maxaabiistaan ayaa waxaa ay xirnaayeen muddo sagaal sanadood ah,kadib markii Maxkamadda dalkaasi ay xukun ku riday, iyada oo la sheegay inay ku heshay dambi ah inay ka tursanaayeen Kooxaha Burcad badeeda ah. 13 maxbuus oo laga soo daayay xabsiyada waddanka Cummaan ayaa maanta oo Khamiis ah dib loogu soo celiyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa socday dadaallo lagu sii daynayo kuwaas oo ugu dambayntii lagu guulaystay lana keenay Magaalada Boosaaso ee degaannada Puntland oo degaan ahaan ay kasoo jeedaan. Qaar kamid ah maxaabiistaan Soomaalida ah ee laga soo daayay Xabsiyada ku yaalla dalka Cummaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay ku faraxsa yihiin in xabsiyada laga soo daayo,isla markaana dhibaatooyin kala duwna ay la soo kulmeen. Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa aad u yaraaday Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee qafaasha Maraakiibta,waxaana dowladda Soomaaliya ay horay wadamo kala duwan uga keentay rag lagu eedeeyay Burcad Badeednimo.

            



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip