Madaxweynaha Galmudug oo hadalo adag ka jeediyay Degmada Hobyo (SAWIRRO)

0
Thursday June 18, 2020 - 13:52:55 in Wararka by
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug oo hadalo adag ka jeediyay Degmada Hobyo (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ku marayo Gobolada Dhexe, isagoo haataana gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii si diiran loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ku marayo Gobolada Dhexe, isagoo haataana gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii si diiran loogu soo dhaweeyay degmada xeebta teedsan dhacda ee Hobyo. Bulshada ku dhaqan degmadaasi ayaa isugu soo baxay wadooyinka, xilli ay wateen sawirada Madaxweynaha, Calanka Qaranka iyo midka Galmudug. Dadka reer Hobyo ayaad mooddaa inaanay u kala harin soo dhaweynta booqashada, uu markeedii ugu horeysay uu ugu tagay Madaxweynaha.                  Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlay dadweynaha ayaa marka hore dadka deegaanka iyo Maamulka Degmadaba kaga mahadceliyay soo dhaweyntooda quruxda badan.

              "Reer Hobyo iyo maamulkiinaba aad iyo aad baan idinkaga mahadcelineynaa soo dhaweynta qiimaha badan, aadka u diiran, walaalnimada iyo kalgacalka ka muuqdo aad nagu soo dhaweyseen. Reer Hobyo waan idin nimid, safar dheer baan idinku nimid. Safarkii nabadda, wadatashiga iyo dib u dhiska Hobyo ayaan idinkugu nimid. Hobyo waa magaalo taariikhiya, Galmudug iyo Somaliyana ku leh taariikh facweyn. Maantay madal tahay oo waxay mudneyd leeskugu yimid, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

               Madaxweynaha oo la dardaarmayay dadka deegaanka ayaa yiri "Reer Hobyo waxaa la idinka rabaa inaad ka soo baxdaan magaaladaas taariikhiga ah ee facaweyn, ee sidaa Somaliya istiraatiijiga ugu ah iyo Galmudugba, dadaalkeedana aad qaybtiina ka qaadataan.”

              Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku nuux-nuuxsaday in ay Hobyo u yimaadeen, sidii looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed, oo ay ugu horeyso dhismaha Dekeda Hobyo. Madaxweynaha ayaa dadweynaha ku adkeeyay in ay doorkooda amni ka qaataan xaqiijinta amniga magaalada, isagoo soo hadalqaaday in deegaanada Hobyo hoos-tagga lagu sheego inay kooxaha argagixisada ka ag-dhow yihiin, hase ahaatee waxaa uu ku goodiyay inaanay wax galaangal ahi hadda ka dib ku yeelan doonin.

               "Galmudug isku tashaneysa, tashatay, horey u socota, dekedaheedii dhisaneysaa idin wadnaa. Waxaan rabnaa reer Hobyo inaad isugu taagtaan dhammaan waxa danteenu ku jirto, oo uu ugu horeeyo amniga magaaladan taariikhiga iyo nawaaxigeeda. Waxaa lagu sheegaa argagixisada inay meelaha ka dhow yihiin, soo sheega, lana soo wadaaga hay’adaha amniga. Ilaahay idinkii kama hawlgeli doonaan, lugna kuma yeelan doonaan wadankan.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

               Qoorqoor oo ereyo aad u adag adeegsanayay ayaa ka dhawaajiyay in burcad badeed, argagixiso iyo wixii lamidaba aysan Galmudug u kala soocneyn, isla-markaana ay diyaar u tahay in ay cagta mariso.

         "Sidoo kale haddii waa’ burcad badeed iyo wax noocaas lagu sheegi jiray u ogolaan mayno taako ka mida Galmudug. Nooma kala soocna argagixiso, burcad badeed iyo waxa lamidka ah, waan dabar-goyneynaa. Hobyana waxay noo sii tahay istiraatiiji, muhiim gaar ah ayayna noo leedahay. Waa la isugu yimid, wixii fitno u jooji jirayoo ka tashada oo ka tagga.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Galmudug.

            Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa safarka dhinaca dhulka, ee uu ku tagay Degmada Hobyo waxaa ku wehlinayay qaar ka mida Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan iyo Saraakiil ciidan.

Socdaalka Madaxweyne Qoorqoor ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa la xiriira xoojinta nabadda iyo horumarinta deegaanada Galmudug.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip