SAWIRRO: Safiirka Qatar u fadhiya Somaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo

0
Thursday June 18, 2020 - 13:39:17 in Wararka by
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Safiirka Qatar u fadhiya Somaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo

    Safiika dowladda Qatar u fadhiya Somaaliya Xasan Xamza ayaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka koobaad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiika dowladda Qatar u fadhiya Somaaliya Xasan Xamza ayaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka koobaad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka mid ah golaha wasiiradda Jubbaland ayaa safiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamad Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo.            

Warbaahinta Jubaland ayaa sheegaysa in Safiirku uu xariga ka jarayo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Qatar Jubbaland ka hirgelisay inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo.

            Ha yeeshee wararka qaar ayaa ku warramaya in Safiirka uu sidoo kale halkaasi u tegay arrima siyaasadeed inkastoo aysan jirin cid si rasmiya u xaqiijisay wararkasi hoose.

          Jubbaland & dowladda Federalka Somaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf adag, waxaana la hadal haayaa arrimahaasi inuu u tagay safiirka Magaalada Kismaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip