Qarax lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Puntland & faah faahin laga helay

0
Thursday June 18, 2020 - 11:24:48 in Wararka by
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Puntland & faah faahin laga helay

    Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad goboleedka Puntland lagula eegtay duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad goboleedka Puntland lagula eegtay duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Puntland uu qaraxa qabsaday xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa degaannada Af Urur iyo Ceeldoofaar ee gobolka Bari. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaaqa qaarxa lala eegtay Ciidamada Puntland iyo rasaas farabadna oo ay rideen,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha kasoo gaaray. Ciidamada Puntland ayaa qaraxa kadib waxaa la sheegay inay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaas,walow aysan jirin dad loo qabtay qaraxaas. Saraakiisha Ciidamada Puntland weli dhankooda wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas, iyada oo inta badan qaraxyada degaannada Gobolka Bari lagula eegto Ciidamada Puntland ay sheegtaan Al-Shabaab & Daacish.

            



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip