Adam Jonhson Oo Wajahaya Xabsi 10 Sannadood Ah Ka Dib Markii Lagu Helay Fal Danbiyeed Ah Inuu U Galmooday Ilmo Yar.

0
Thursday March 03, 2016 - 11:56:16 in Sports News by
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adam Jonhson Oo Wajahaya Xabsi 10 Sannadood Ah Ka Dib Markii Lagu Helay Fal Danbiyeed Ah Inuu U Galmooday Ilmo Yar.

    Ciyaaryahan Adam Johnson ayaa wajahaya xabsi 10 sannadood ah ka dib markii lagu helay fal danbiyeed ah inuu howlo galmo ah la sameeyo ilmo yar oo 15 sanno jir ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahan Adam Johnson ayaa wajahaya xabsi 10 sannadood ah ka dib markii lagu helay fal danbiyeed ah inuu howlo galmo ah la sameeyo ilmo yar oo 15 sanno jir ah.

Xeer-beegtada maxkamada Bradford Crown ayaa todobo saacadood u qaatay inay hal danbi oo la xiriira faldanbiyeed galmo ah ku helaan Adam Johnson, laakiin danbi kale oo isna lagu soo oogay ayay ku waayeen.

Waxaa lagu helay danbi ah inuu falgalmo ah ku sameeyay gabar 15 sanno jir ah oo ay ku jirto inuu gacanta la galay gabadha yar xubinteeda taranka iyadoo ku jirtay gaarigiisa Range Rover 30kii bishii Janaayo.

PAY-Adam-Johnson

Xeer-beegtada ayaase ku waayay Adam Johnson dib labaad oo loo heystay oo ahaa inuu u ogolaaday gabadha yar inay afka la gasho xubintiisa taranka isla maalintaas.

Garsoore Jonathan Rose ayaa sheegay in Johnson la xukumi doono xilli danbe bishaan islamarkaana aan la fursaneynin in xabsi loo dhaadhiciyo.

Garsooraha ayaa u sheegay xiddigii hore ee Manchester City inuu wajahayo 10 sanno oo xabsi ah, islamarkaana uu u ogolaanayo haatan in damiin lagu sii daayo si uu u soo macsalaameeyo gabadhiisa.

Johnson ayaa madaxa ruxayay markii uu maqlayay go’aanka ah in danb lagu helay, waxaana uu isha ku gubayay xeer beegtada markii ay sheegayeen go’aankii ay gaareen.

Xiddiga Ingariiska ayaa hore u qirtay danbi ahaa inuu dhunkaday gabar yar iyo inuu caruur kale shukaansaday.

Johnson ayaa gabar yar fariimo u dirayay ka dib markii ay ku soo darsatay bogiisa Facebook 31kii bishii December 2014.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip