Dood ka dhalatay arrin ku saabsaneyd Madaxweyne Deni iyo baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Ajandayaal badan

0
Thursday June 18, 2020 - 13:15:13 in Wararka by
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood ka dhalatay arrin ku saabsaneyd Madaxweyne Deni iyo baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Ajandayaal badan

    Kalfadhiga 46-aad, kulankiisii 4-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad gobaleedka Puntland ayaa lagu meel-mariyay Ajandaha kalfadhiga 46-aad ee Golaha wakiilada si ay ugu sahlanadaan kulamada soo socda ka doodistooda. Fadhiga waxa ka soo qeyb galay muda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kalfadhiga 46-aad, kulankiisii 4-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad gobaleedka Puntland ayaa lagu meel-mariyay Ajandaha kalfadhiga 46-aad ee Golaha wakiilada si ay ugu sahlanadaan kulamada soo socda ka doodistooda. Fadhiga waxa ka soo qeyb galay mudanayaal gaaraya 37-xubnood, waxaana shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, iyadoo ajandaha mudaneyaasha horyaalla uu ahaa ansixinta Ajandaha kalfadhiga 46-aad oo horey qodob-qodob looga dooday.
                

                 Dooddii shalay ee wax ku kordhinta iyo wax ka dhimista ee xildhibaanada kadib waxaa maanta cod loo qaaday ansixinta kalfadhiga oo cod gacan taag ah la geliyay.

Waxaa ogolaatay 35 mudane, mudane diidayna ma jirin, waxaana ka aamustay 2 xubnood, sidaa ayuuna ku ansaxay ajandaha kalfadhiga 46-aad, waxaana si rasmi ah loo guda galay qodobada uu ka kooban yahay maanta.

             Dhinaca kalana xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa soo jeediyay in loo yeero madaxweynaha si wax looga weydiiyo xaaladda Puntland iyada oo arrinkaas ay kasoo hor jeesteen mudanayaal kale ugu dambeyntiina la isla gartay in ay madaxweynaha loo yeerin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip