DFS iyo Soomaaliland oo Heshiis hor dhac ku kala saxiixday Jabuuti

0
Thursday June 18, 2020 - 12:11:55 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DFS iyo Soomaaliland oo Heshiis hor dhac ku kala saxiixday Jabuuti

    Wada-hadalada guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday Jabuuti ayaa lasoo geba-gebeeyey ayada oo dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo horudhac ah. Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa ku heshii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wada-hadalada guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday Jabuuti ayaa lasoo geba-gebeeyey ayada oo dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo horudhac ah. Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa ku heshiiyey shan qodob, kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi

           Qodobada lagu heshiiyey ayaa warbaahinta u akhriyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

1 – Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka, si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2 – Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonidii labada dhinac.

3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani’aadannimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiri doona muddo shan iyo toban cisho (15) kadib ah, kuna shiri doona Jabuuti.

4 – Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho gudahood ah ku shiri doona Jabuuti.

5 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Waxaa sidoo kale la magacaabay guddiga guud ee farsamado ee wada-hadallada oo heer wasiiro ah, waxaynaa 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in qodobada la isku hayay Ee aan laga Heshiisiin ayaa waxaa ka mid ah; isku socodka siyaasiyiinta labada dhinac, maamulka hawada iyo deeqaha caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somaliland ayaa ka mahadceliyey heshiiska la isla qaatay iyo dedaalkii dhexdhexaadnimo ee dalka Jabuuti uu ka qaatay wadahadalada Somalia iyo Soomaaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip