HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 18-JUNE-2020

0
Thursday June 18, 2020 - 10:06:27 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 18-JUNE-2020

    DFS iyo Soomaaliland oo Heshiis hor dhac ku kala saxiixday Jabuuti Wada-hadalada guddiyada farsamo ee dow ladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday Jabuuti ayaa lasoo geba-gebe eyey ayada oo dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DFS iyo Soomaaliland oo Heshiis hor dhac ku kala saxiixday Jabuuti Wada-hadalada guddiyada farsamo ee dow ladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday Jabuuti ayaa lasoo geba-gebe eyey ayada oo dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo horudhac ah. Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa ku heshiiyey shan qodob, kuwaasi oo loo saar ay Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada sha qayn doono qodobadaasi Qodobada lagu heshiiyey ayaa warbaahinta u akhriyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf. 1 – Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbal ka, si qurux badan oo hadaf xanbaarsan 2 – Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonidii labada dhinac. 3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani'aadannimo, waxaana qodob kaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiri doona muddo shan iyo toban cisho (15) kadib ah, kuna shiri doona Jabuuti. 4 – Waxaa ay labada dhincba soo saareen gu ddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho gudah ood ah ku shiri doona Jabuuti. 5 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada. Waxaa sidoo kale la magacaabay guddiga guud ee farsamado ee wada-hadallada oo heer wasiiro ah, waxaynaa 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku daraya an in qodobada la isku hayay Ee aan laga He shiisiin ayaa waxaa ka mid ah; isku socodka siyaasiyiinta labada dhinac, maamulka hawada iyo deeqaha caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somaliland ayaa ka mahadceliyey heshiiska la isla qaatay iyo dedaalkii dhexdhexaadnimo ee dalka Jabu uti uu ka qaatay wadahadalada Somalia iyo Soomaaliland.


Wararkii ugu dambeeyay xaaladaha COVID-19 ee dalka

     W/Caafimaadka Somaliya ayaa waxay shar axaad ka bixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19, ee dalka laga diiwa angeliyay afar iyo labaatankii saac ee ugu dam beysay.Dalka oo idil ayaa waxaa laga diiwaan geliyay 38 xaaladood oo cusub muddo afar iyo labaatan saac ah, kuwaa oo markaan intooda   badan laga xaqiijiyay gudaha Puntland.

     Puntland ayaa laga helay 16 xaaladood oo cusub, Somaliland 13, Banaadir 8 iyo 1 xaalad oo laga xaqiijiyay Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay warbixinta maalinlaha ah ee Wasaara dda Caafimaadka.Bukaanada baaritaanka mar ay ee laga helay xanuunkan, 29 ka mida wax aa weeye lab, halka 9-ka kalana ay dhedig yih iin, kuwaa oo gudaha dalka ku wada sugan.

      Sida lagu sheegay warbixinta waxaa xanu unka ka bogsaday 36 qof oo muddooyinkii ugu dambeysay la ildarnaa, waxayna taasi tirada guud ee xanuunka ka bogsatay ka dhigeysaa 685 qof.

24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan jirin wax bukaan ah oo gudaha dalka ugu geeriyooday COVID-19, waana maalintii 3aad oo kiis dhim ahso ah aan gudaha dalka laga soo warin, in kastoo ay horey ugu geeriyoodeen dad gaar aya 88 qof.Xaaladaha guud cudursidaha COV ID-19 ee Coronavirus uu keeno, tan iyo markii dalka laga helay waxaa ay gaareysaa 2,696, iyadoo ay haataan xanuunka la ildaran yihiin 1,923 qof.

Gaalkacyo oo lagu qabtay dood wadaag la xiriirta nabadda gobolka

      M/Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug ayaa waxaa Shalay lagu qabtay dood wadaag xiiso laheyd, oo lagu gorfynayay sidii xal waara lo oga gaari lahaa dagaalada ku soo noq noqday Gobolka Mudug.

      Dood wadaagga oo ay soo qaban-qaab isay Madasha Nabadda & Is dhaxgalka Dhalinyarada Gobalka Mudug, oo gacan ka he laysa Hay’adda Cil mi Baarista & Nabad da ee PDRC ayaa wax aa ka qaybgalay Masu uliyiin Maamulada Galmu dug iyo Puntland ka kala tirsan, Siyaasiyiin, aqoonyahano iyo qaybaha kale ee bulshada gobolka.Intii ay doodda ka socotay madash aasi waxaa su’aalo lagu weydiinayay Masuuli yiintii 2da Maamul iyo Siyaasiyiintaba, waxay na dooddu ahayd mid u furan dhammaanba ka qaybgalayaasha.Madaxdii Maamulada ku met eleysay doodda iyo Siyaasiyiintuba waxaa ay jawaabahooda ku abaarayeen, sida uu ugula muuqdo xalka keliya ee looga gudbi karo dagaalada qabaa’ilada.

   Dadkii ka qaybgalay dood wadaagan waxaa ay sheegeen in doodani ay wax badan ka duw aneyd kuwii hore, iyadoo aanay markaasi jirin hadalo xanaf leh oo doodda ku lifaaqneyd. Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa imin ka mooddaa inay si weyn isaga soo dhawey nayan sidii hore, waxayna xilligan leeyihiin iska ashi xoogiisu uu la xiriiro amniga.Iskaashiga amni ee labada maamul ayaa ka dambeeyay, markii 17-kii bishii hore ee March weerar ismii daamin ahaa lagu dilay Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur.

Duqii hore ee Muqdisho oo cambaareey ay dilalka ciidamada DFS u gaystaan shacabka

  G/yihii hore ee G/ Banaadir ahaa na duqii hore ee Muqdisho Thaa bit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay dilalka ay gaystaan ciidamada Dawlada Soomaaliya. Ex gud doo miye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku tilmaa may in ay tahay wax aan ka aqbali karin in ciid amada dawlada ee loo igm aday difaaca shacabka, ay isla iyagii u dilaan si sharci darro ah. waxa sidoo kale ka   tacsiyadeey, dilkii Dor raad M/ Muqdisho loogu gaystay Cumar Xasan oo ah aa oday da' ah oo shacab ahaa, kaas oo uu di lay askari ka tirsan dawlada.

  Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu ku soo qoray boggi isa Facebook, oo uu kaga hadlay arrintan, waxa uu ugu baaqay laamaha ammaanka in ay sharciga hor keenaan gacan ku dhiiglihii u gaystay dilka qofka shacabka ahaa.

Ururka Islaamka OIC oo war ka soo saaray Shirka Soomaaliya iyo Somalil and uga socda Djibouti.

    Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC ayaa War kasoo saaray Shirkii maalmo kahor dalka Jabuuti ku yeesheen D/F/Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu marti-geliyay Madax weyne Ismaaciil Cumar Geelle.Qoraal kooban uu soo saaray Xoghaynta Guud ee Ururka Iska ashiga dalalka Islaamka ee OIC ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay wada-hadalka dhab u he shiisiinta ah ee dhexmaray Dowladda Somalia iyo Somaliland, isla markaana looga hadlay Ajendayaal dhowr ah.

     Waxaa kaloo Qoraalka Ururka Iskaashiga OIC lagu bogaadiyay Go’aankii ay labada dhi nac Guddiyo wadajir ah oo Farsamo ay ku dhis een, si ay ugu gogol-xaaraan Dib-u-soo celinta wada-xaajoodyada, gaar ahaan Qoddobada aan weli la xalinin.Ugu dambeyn Ururka Iska shiga dalalka Islaamka ee OIC ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Is maaciil Cumar Geelle iyo dowladiisa oo door weyn ka qaatay sidii ay heshiis u gaali lahaayeen So omaaliya iyo Somaliland oo weli wada-hadal u socdo.

Dowladda faderaalka Soomaaliya oo dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha dalka.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sha lay mar kale si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib u dhigtay furitaanka duulimaadyadii Soo maaliya.W/Wasaaradda Gaadiid ka iyo Duulista Hawada Md. Max amed C/hi Salaad Oomaar oo wareysi siiyey warbaahinta Qar anka ayaa sheegay inay dowlad da go’aan ku gaartay inaan hadda la furin duulimaadyadii gudaha iyo Debadda.sababta ayuu wasiirka ku sheegay inay ka fogaanay aan halista cudurka COVID-19 oo cabsi weyn laga qabo Soomaaliya in uu ku soo laba kacleeyo.

    "Iyadoo laga taxadarayo in cudurka COVID 19 oo maraya marxalado kala duwan waddan ka gudihiisa in dib loogu soo celsho meel uu ka yaraaday ama la geeyo meel illaa hadda uu san gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha” ayuu yiri Wasiir Omaar.Xayiraadda la saaray duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa ku ekeyd 8-da bish an June.


Ciidamada Dowladda oo deegaano ka tirsan G/Gaduud ka wada Howlgalo Qorshaysan.

    Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Naba dsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgal qorsheysan ku gaaray Deegaanka War-xoolo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud kana mid ah deegaanada Al-shabaab ay ku sugan yihiin. Al-shabaabkii ku sugnaa deegaanka De egaanka ayaa la shee gay inay isaga tageen deegaanka wabxo oo dhowr iyo toban KM u jira deegaankan, iyadoo Ciidanka Qalabka sida ay ka dajiyeen deegaan kan Calanka Al-shabaab iyo Astaamohooda kale kuwaa oo goob fagaare ah lagu gubey .

     Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto Mascuud Maxamed Wars ame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah, waxaa ay na dadka deegaanku balan qaadeen in Ciidam ada qalabka sida ay kala shaqeyn doonaan     Dagaalka lagula jiro Argagaxisada .

     Dhanka kale howlgalkan ayay sidoo kale ciidamadu ku gaareen Deeganada Ceel-God iyo Warar-dhuuma-leh oo dadka joogaa si diir an usoo dhoweeyeen socdaalka iidamada.

Jabuuti & Kenya oo isku mari waayay kursi kamid ah Golaha Amaanka ee QM

      Kenya ayaa ku guuldaraysatay inay hanato kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amma anka kaasoo ay kula tartamaysay dalka Jabuuti, kadib markii ay heli weyday codadkii ay u baahneyd.

            Kenya ayaa waxa ay heshay 113 cod, halka Jabuutina ay heshay 78 cod, sidaas daraadeedna Kenya 15 cod ayey ku weyday kursiga, waxaana taasi ay ka dhigan tahay in markale lagu celin doono doorashadaasi. Taasi oo ah in cidana aanay helin 128 cod oo ah aqlabiyad saddex meelood ah oo laba meel oo ah.

            Natiijadaasi waxa ay ka dhigan in Kha miista maanta ah markale ay labada dal tart ami doonaan, waxaana hawl adag ay u taallaa diblomaasiyiinta labada dal sidii ay uga dhex ololeyn lahaayeen dalalka caalamka.

     Haddii Jabuuti iyo Kenya uu midkoodna heli waayo tirada aqlabiyadda ah ee ay u baahan yihiin, waxaa ay aadayaan wareeg saddexaad. Haddii ay isku mari waayaanna, waxaa dhici karta in tartanka loo furi dalal kale oo Afrikaan ah.

     Qaabka kale ee xalka loogu heli karo ari nkan ayaa ah in labada dal ay ku heshiiyaan qeybsiga muddo xileedka kursiga oo dalkiiba uu sanad ku fadhiyo.

Wasiir Caruush oo soo saaray digniin adag oo bani’aadanimo

   Wasiirka Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyin ee Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa shaaca ka qaaday in ay xaalad adag oo bani’aadanimo ku soo fool leeyihiin deegaanada Koo nfur Galbeed.

     Wasaaradda Arrimaha Gargaar ka & Maareynta Masiibooyin ayaa u xilsaaran isku dubaridka arrimaha bani’aa danimo iyo la socoshada xaaladaha nololeed ee bulsahda, si looga feejignaado, loogana hawlgalo xaaladaha bani’aadanimo ee imaan kara.

     Wasiirka Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyin ee Koonfur Galbeed oo Shalay ka hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa daaha ka qaaday in xaaladda nololeed ee bulshada ee reer Koonfur Galbeed, ay sii adkaaneysay tan iyo bishii April ee sanadkan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in xaaladahan adag ay ka dhasheen faafitaanka xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno, fatahaa daha iyo sida saf-marka ah uu ayaxa u baa bi’iyay dalagii beeraha.

    Wasiirka oo sii hadlayay ayaa iftiimiyay in masiibooyinkan is biirsaday ay horseedeen xa aladda adag, ee ay xilligan ka digeyso Wasaa radiisa, loona baahan yahay in si wadajira wax looga qabto.

    Sidoo kale waxaa uu Wasiir Caruush shee gay in Wasaaradiisu ay sameysay xog uruurin iyo qiimeyn la xiriirta dhibaatooyinka ka dha shay COVID-19, fatahaadaha iyo ayaxa baabi’I yay dalagyadii beeraha, isla-markaana ay Was aaradiisu xaqiijineyso laga bilaabo Shalay in gurmad bani’aadamo oo deg deg ahi ay u baahan yihiin shacabka, si looga fogaado xaa lado bani’aadamo ee ka dhasha masiibooyi nkan is biirsaday.

    Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gar een), Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka barbar hadlayay Wasiir Caruush ayaa ka cod saday Dowladda Federaalka, Wakiilka Xogha yaha Guud ee Arrimaha Somaliya iyo hay’ada ha arrimaha bani’aadanimada ka shaqeeya in ay gurmad soo gaarsiiyan bulshada reer Koon fur Galbeed, iyadoo laga shidaal qaadanayo buu sheegay digniinta ka soo yeertay Wasaa radda Arrimaha Gargaarka & Maareynta Mas iibooyinka ee Koonfur Galbeed.

      Digniinta xilligan ka soo yeertay K/Galbeed ayaa ahayd mid horeyba loo sii fillaayay, bac damaa masiibooyinkan ugu dambeeyay ee dalka ku soo kordhay kol hore la sii saadaali yay inay horseedi doonaan xaalado adag oo bani’aadanimo.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Itoobiya oo qaaday tallaabo ka dartay xiisadda Masar

   Taliye ku-xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa uu is-difaaci doono, isl amarkaana aanu marnaba wada -xaajood ka geli doonin madax-banaanidiisa ku aadan biyo-xire enka webiga Nile ee abuuray xiis adda kala dhaxeysa Masar. "Ma saarida iyo dunida inteeda kale si wanaagsan ayay u ogyihiin, sida aan u dagaal galno marka uu yimaado,” ayuu Jeneral Birhanu Jula ku yiri wareysi uu siiyey wargeyska ay dowladda lee dahay ee Addis Zeman.

    Birhanu ayaa hoggaamiyayaasha Masar ku eedeeyey inay "beddeleen sheekada” biyo-xire enka ugu weyn Africa ee Itoobiya ay samey say.  Waxa uu Masar ku eedeeyey inay hubke eda u adeegsatay "inay ugu hanjabto dalalka kale inaysan u dhowaan biyaha la wada leeya hay ee webiga Nile”, wuxuuna intaas ku daray in waddada kaliya ee horey loogu socon karo ay tahay in la wada shaqeeyo.

      Hadalka Jeneralka ayaa ka duwan midka ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed oo horraantii toddobaadkan xildhibaanada dalk aas u sheegay in diblomaasiyadda ay tahay inay xudun u noqoto sidii loo xalin lahaa muran kan.

      "Ma dooneyno inaan dhaawacno cid kale, balse sidoo kale aad ayay u adkaan doontaa inaan aqbalno sheekada ah in aynan mudneyn inaan helno koronto,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Si kastaba, wada-hadallada u dhaxeeya Itoob iya, Masar iyo Sudan ayaa u muuqda kuwa aan meelna u socon.

      Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Gedu Andargachew ayaa Dorraad Masar ku eedee yey inay caqabad ku tahay wada-hadallada sa ddex geesoodka ah ee ku aaddan biyo-xireenka.

    "Mowqifka madax adeegga ah ee Masar ayaa caqabad ku aha wada-hadallada socda,” ayuu yiri isaga oo weriyayaasha uga warbixin ayey halka ay illaa iyo hadda marayaan wada-hadallada.   Wada-hadallada ayaa Isniintii ga lay maalintii shanaad, waxaana diiradda lagu saarayaa sida loo buuxinayo biyo-xireenka iyo sida uu u howlgali doono.

     Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenka – oo noqo doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda. Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn kar o webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay lool lanka ay ugu jiraan Kursiga QM

    Kenya ayaa ku guuldaraysatay inay hanato kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Am maanka kaasoo ay kula tartamaysay dalka Jabuuti, kadib markii ay heli weyday codadkii ay u baahneyd.

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Ge elle waxaa uu sheegay in dadaalka uu ugu jiro dalkiisa kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu yahay mid ay usoo galeen olole adag.

     "Tani waxay aheyd olole aad u adag, waxa an soo dhageysanay oo aan diyaarsanay waxy aabaha aad mudnaanta siineysaan ee danaha idiin ah ee aad ka walaacsan tihiin ee aragtiya ha aad ka qabtaan dunida dhibka badan , 27-ka bishan Juun waxaan u dabaal degi doonaa 43 sanno oo xornimo ah, waa 43 sanno oo ay Jabuuti ku caanbaxday nabad iyo dulqaad”

     Waxaa uu dhanka kale sheegay in Jabuuti ay kaalin weyn ka qaadatay dadaallada nabad da ee gobolka, wuxuu tusaale usoo qaatay shir ka wadahadallada ee madaxda Somaliya iyo Somaliland ay isugu tageen Jabuuti kaas oo dha waan ka dhacay Jabuuti.


WHO iyo Boris Johnson oo soo dhowe ey ey natijada dawada cudurka Covid-19

     Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo dhawaysay natiijada tijaabada daawada dexamethaso ne, taasoo dili karta a ma hoos u dhigeysa dhi mashada dadka qaba cudurka COVID-19, ga ar ahaan kuwa xaaladaha culus ku jira.

     Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adha nom Ghebreyesus ayaa guul weyn oo la gaa ray ku tilmaamay natiijada daawadan, isagoo u mahad celiyay boqortooyada dowladda Ingirii ska, khubaradii soo bandhigay natiijada ee jaa macadda Oxford iyo bukaanadii lagu tijaabi yay.

    "Tani waa daaweyntii ugu horreysay ee la muujiyo in lagu dhimayo geerida bukaannada qaba COVID-19 ee u baahan oksijiin ama ha wo, waa war aad loogu farxo waxaan u ham balyeynayaa Dowladda Boqortooyada Midow day ee UK, Jaamacadda Oxford,  isbitaallada iyo bukaannada tijaabadan ka qeyb qaatay ho rumarkan sayniska ah ee lagu badbaadinayo nafaf badan” ayuu yiri agaasimaha guud ee    WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

      Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa soo dhoweeyay guusha natiijada daawadaan, isagoo amaanay horum arka ay seynisyahanada UK ee ka qeyb qaat ay soo bandhigida natiijada daawada dexam ethasone. Wasiirka caafimaadka UK Matt Ha ncock ayaa isna sheegay in horumarka ay soo bandhigeen qubarada ay muujineyso in UK ay ku guuleysaneyso dagaalka ka dhanka ah Corona virus.

Imaaraadka Carabta oo ku dhowaaqay wada-shaqeynta Israel

    Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaar aadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisa ay Israel ka wada shaqeyn karaan arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka cudurka Coronavirus iyo teknoolajiyadda inkasta oo khilaaf siyaa sadeed uu ka dhaxeeyo.

    Isaga oo ka hadlayey shirka Guddiga Yahuu dda Mareykanka ee American Jewish Commi ttee (AJC) ayaa wasiiru dowlaha arrimaha dib edda Imaaraadka Anwar Gargash waxa uu sheegay in xiriir lala yeesho Israel uu noqday mid muhiim ah, islamarkaana dhalinaya natiijo ka wanaagsan marinadii horey loo mari jiray

     Anwar Gargash ayaa kulan su’aalo iyo jaw aabo ah la yeeshay kooxda AJC, wuxuuna yi mid maalmo kadib markii safiirka Imaaraadka Carabta ee Washington uu codsi toos ah u jee diyey shacabka Israel, kaasi oo lagu daabay wargeyska ugu aqriska badan Israel ee Yed ioth Ahronoth, oo lagu daabaco luuqadda Heb rew-ga.

     Safiir Youssef Al Otaiba ayaa sheegay in Israel aysan fili karin xiriir ay la yeelatto dunida carabta haddii ay goosato qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed."Khilaaf siyaasadeed ma igala dhaxeyn karaa Israel, aniga oo kala shaqeynaya xiriirka meelaha qaarkood? Wa xaan u maleynayaa inaan sameyn karo,” ayuu yiri Gargash, oo horey u sheegay in go’aankii Carabta ee ahaa inaysan xiriir la yeelan Israel uu ahaa mid qaldan.

      Waxa uu intaas ku daray in wada-shaqyen ta ay Israel kala leeyihiin caqabadaha uu soo rogay COVID-19 aysan saameyneyn diidmada Imaaraadka Carabta ee ku aaddan qorshaha ay Israel ku goosaneyso dhulka Daanta Galb eed iyo arrimaha siyaasadda.

     Israel wax xiriir diblomaasiyadeed ah lama lahan dalalka Khaliijka, hase yeeshee waxay wadaagaan walaaca ay ka qabaan saameynta Iran ee gobolka, taasi oo keentay inuu usoo no olaado xiriir kooban oo ay yeeshaan.

      Masar iyo Jordan ayaa ah labada dal ee Carbeed ee kaliya ee xiriir rasmi ah la leh Israel.

      Bishii May, shirkadda diyaaradaha ee fadhi geedu yahay Abu-Dhabi ayaa duulimaadkii ugu horreeyey inta la ogyahay ku tagtay Israel, ayada oo gaargaar loogu talo-galay cudurka Coronavirus u sidda Falastiiniyiinta.

Xigasho;Geesguud.com

Hindiya oo 20 askari looga dilay dagaal ay la gashay Shiinaha

     Ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ayaa ku dhimatay iska horimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo kuwa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku hayaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Delhi.

     Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada dhin ac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano.

     Milateriga Hindiya ayaa markii hore shaaci yay in saddex askari ay dhankooda uga dhint een dagaalka, khasaare aan la shaacinna uu soo gaaray dhanka Shiinaha.

      Balse gelinkii dambe ee Talaadada ayaa saraakiil Hindi ah waxa ay sheegeen in askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka ay geer iyoodeen.

     Wasaaradda arimaha dibedda ee Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha uu jebiyay heshiis ay labada dal gaareen todobaadkii hore ku aaddan xasiloonnida Dooxada Galwan.

     Beijing ayaan shaacin khasaaraha dhanke eda soo gaaray, balse waxa ay Dehli ku eedey say inay ciidamadeeda usoo tallaabeen dhan ka Shiinaha.

    Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arima ha dibedda ee Shiinaha ayaa sheegay in ciida mada Hindiya ay Isniintii laba goor kasoo tal laabeen xuduudda, "iyagoo daandaansaday, weerarna la beegsaday ciidamada Shiinaha, taasoo keentay in gacmaha la isula tago,” sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Labada dhinac ayaa ku adkeysanaya in ciida madu aanay wax rasaas ah isu adeegsan. Qa abka dagaal aan rasaas loo adeegsan ay ugu dhinteen askarta intaa la eg ayaan weli la cadeyn.

      Waxaase jira warar sheegaya in askarta ay isla dhaceen burar iyo ulo bir ah. Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in askarta dalkooda "garaac nafta looga jaray.”

Labada dal ayaa sanadkii 1962 ku dagaallam ay aagga ay ku muransan yihiin, waxaana xil liga asi guuldarro fool xun dhabarka loo saaray Hindiya. Xigasho:BBCSomali

R/Wasaaraha Hindiya oo ka hadlay dag aalkii askarta looga dilay

    Ra'iisal wasaaraha dalka Hindiya ayaa mar kii ugu horreysay ka hadlay dagaal ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ay ku dhimatay.Iska ho rimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo ku wa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku hayaan. Khuba dda ra'iisal wasaaraha oo si toos ah tele fishinada looga daawanaayay ayuu Narendra Modi ka digay in dhimashada askartiisa "aysan sidaas uga haraynin."



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip