Wasiir Caruush oo soo saaray digniin adag oo bani'aadanimo (SAWIRRO)

0
Wednesday June 17, 2020 - 22:18:21 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Caruush oo soo saaray digniin adag oo bani'aadanimo (SAWIRRO)

    Wasiirka Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyin ee Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa shaaca ka qaaday in ay xaalad adag oo bani'aadanimo ku soo fool leeyihiin deegaanada Koonfur Galbeed. Wasaaradda Arrimaha Gargaarka &am

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyin ee Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa shaaca ka qaaday in ay xaalad adag oo bani'aadanimo ku soo fool leeyihiin deegaanada Koonfur Galbeed. Wasaaradda Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyin ayaa u xilsaaran isku dubaridka arrimaha bani'aadanimo iyo la socoshada xaaladaha nololeed ee bulsahda, si looga feejignaado, loogana hawlgalo xaaladaha bani'aadanimo ee imaan kara. Wasiirka Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyin ee Koonfur Galbeed oo maanta ka hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa daaha ka qaaday in xaaladda nololeed ee bulshada ee reer Koonfur Galbeed, ay sii adkaaneysay tan iyo bishii April ee sanadkan. Wasiirka ayaa tilmaamay in xaaladahan adag ay ka dhasheen faafitaanka xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno, fatahaadaha iyo sida saf-marka ah uu ayaxa u baabi'iyay dalagii beeraha. Wasiirka oo sii hadlayay ayaa iftiimiyay in masiibooyinkan is biirsaday ay horseedeen xaaladda adag, ee ay xilligan ka digeyso Wasaaradiisa, loona baahan yahay in si wadajira wax looga qabto. Sidoo kale waxaa uu Wasiir Caruush sheegay in Wasaaradiisu ay sameysay xog uruurin iyo qiimeyn la xiriirta dhibaatooyinka ka dhashay COVID-19, fatahaadaha iyo ayaxa baabi'iyay dalagyadii beeraha, isla-markaana ay Wasaaradiisu xaqiijineyso laga bilaabo maanta in gurmad bani'aadamo oo deg deg ahi ay u baahan yihiin shacabka, si looga fogaado xaalado bani'aadamo ee ka dhasha masiibooyinkan is biirsaday. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka barbar hadlayay Wasiir Caruush ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Somaliya iyo hay'adaha arrimaha bani'aadanimada ka shaqeeya in ay gurmad soo gaarsiiyan bulshada reer Koonfur Galbeed, iyadoo laga shidaal qaadanayo buu sheegay digniinta ka soo yeertay Wasaaradda Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ee Koonfur Galbeed. Digniinta xilligan ka soo yeertay Koonfur Galbeed ayaa ahayd mid horeyba loo sii fillaayay, bacdamaa masiibooyinkan ugu dambeeyay ee dalka ku soo kordhay kol hore la sii saadaaliyay inay horseedi doonaan xaalado adag oo bani'aadanimo.

Source: Universaltv




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip