Ururka Islaamka OIC oo war ka soo saaray Shirka Soomaaliya iyo Somaliland uga socda Djibouti.

0
Wednesday June 17, 2020 - 22:15:28 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Islaamka OIC oo war ka soo saaray Shirka Soomaaliya iyo Somaliland uga socda Djibouti.

    Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC ayaa War kasoo saaray Shirkii maalmo kahor dalka Jabuuti ku yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu marti-geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC ayaa War kasoo saaray Shirkii maalmo kahor dalka Jabuuti ku yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu marti-geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal kooban uu soo saaray Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay wada-hadalka dhab u heshiisiinta ah ee dhexmaray Dowladda Somalia iyo Somaliland, isla markaana looga hadlay Ajendayaal dhowr ah.

Waxaa kaloo Qoraalka Ururka Iskaashiga OIC lagu bogaadiyay Go’aankii ay labada dhinac Guddiyo wadajir ah oo Farsamo ay ku dhiseen, si ay ugu gogol-xaaraan Dib-u-soo celinta wada-xaajoodyada, gaar ahaan Qoddobada aan weli la xalinin.

Ugu dambeyn Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladiisa oo door weyn ka qaatay sidii ay heshiis u gaali lahaayeen Soomaaliya iyo Somaliland oo weli wada-hadal u socdo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip