Ciidamada Dowldda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degaanka luuq Jeeloow oo Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne.

0
Wednesday June 17, 2020 - 22:12:39 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowldda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degaanka luuq Jeeloow oo Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne.

    Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa waxay howlgallo Amni xaqiijin ah ka sameeyeen degaano Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa waxay howlgallo Amni xaqiijin ah ka sameeyeen degaano Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxay sheegeen inay ka jawaabayeen weerar hoobiyeyaal ah oo habeen ka hor Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Abaanduulaha qeybta 27aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay howlgalkaas kula wareegeen degaanka luuq Jeeloow oo 25km dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne,halkaas oo uu sheegay inay ku xooganayeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay inay burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab Gaadiidka lacago uga qaadi doonan,sidoo kalena ay kasoo furteen Maxaabiis laba ah oo heysteen,sidoo kalena howlgalkaas uu noqon doona mid sii socda.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan saaka ka heleyno degaanada hoostaga Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in weli duleedka Magaaladaas ay Ciidamada Dowladda ka wadaan howlgallo kala duwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip