Duqii hore ee Muqdisho oo cambaareeyay dilalka ciidamada DFS u gaystaan shacabka

0
Wednesday June 17, 2020 - 20:29:40 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqii hore ee Muqdisho oo cambaareeyay dilalka ciidamada DFS u gaystaan shacabka

    Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay dilalka ay gaystaan ciidamada Dawlada Soomaaliya. Ex guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku tilmaamay in ay tahay wax aan ka aqbali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay dilalka ay gaystaan ciidamada Dawlada Soomaaliya. Ex guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku tilmaamay in ay tahay wax aan ka aqbali karin in ciidamada dawlada ee loo igmaday difaaca shacabka, ay isla iyagii u dilaan si sharci darro ah. Waxa sidoo kale ka tacsiyadeey, dilkii shalay magaalada Muqdisho loogu gaystay Cumar Xasan oo ahaa oday da' ah oo shacab ahaa, kaas oo uu dilay askari ka tirsan dawlada. Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu ku soo qoray boggiisa Facebook, oo uu kaga hadlay arrintan, waxa uu ugu baaqay laamaha ammaanka in ay sharciga hor keenaan gacan ku dhiiglihii u gaystay dilka qofka shacabka ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip