Ciidamada militeriga Soomaaliya oo deeganno kala soo wareegay Al-Shabaab

0
Wednesday June 17, 2020 - 20:14:33 in Wararka by
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada militeriga Soomaaliya oo deeganno kala soo wareegay Al-Shabaab

    Howl-gallada ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanka War-Xoolo oo hoostaga degmada Ceelbuur, halkaas oo ay gacanta ku hayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howl-gallada ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanka War-Xoolo oo hoostaga degmada Ceelbuur, halkaas oo ay gacanta ku hayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo u dhaqaaqay dhanka deegaanka Wabxo ee gobalka Galgaduud.

Taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , S/Guuto Mascuud Maxamed Warsame oo goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka ayaa ugu baaqay inay is-dajiyeen, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sugida amniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan howl-galladooda tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo gobollada Galgduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda ay fariisimo cusub ka sameysteen duleedka degmada Ceelbuur ee maamulka Galmudug.

Howlgalkan ayay sidoo kale ciidamadu ku gaareen deegannada Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo dadka joogaa si diiran usoo dhoweeyeen socdaalka ciidamada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip