Ra'iisul Wasaaraha Hindiya oo ka hadlay dagaalkii askarta looga dilay

0
Wednesday June 17, 2020 - 20:06:49 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Hindiya oo ka hadlay dagaalkii askarta looga dilay

    Ra'iisal wasaaraha dalka Hindiya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ay ku dhimatay.Iska horimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo kuwa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaaraha dalka Hindiya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ay ku dhimatay.Iska horimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo kuwa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku hayaan. Khubadda ra'iisal wasaaraha oo si toos ah telefishinada looga daawanaayay ayuu Narendra Modi ka digay in dhimashada askartiisa "aysan sidaas uga haraynin."

Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada dhinac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano.

        Milateriga Hindiya ayaa markii hore shaaciyay in saddex askari ay dhankooda uga dhinteen dagaalka, khasaare aan la shaacinna uu soo gaaray dhanka Shiinaha.

      Balse gelinkii dambe ee Talaadada ayaa saraakiil Hindi ah waxa ay sheegeen in askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka ay geeriyoodeen.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha uu jebiyay heshiis ay labada dal gaareen todobaadkii hore ku aaddan xasiloonnida Dooxada Galwan.

        Beijing ayaan shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray, balse waxa ay Dehli ku eedeysay inay ciidamadeeda usoo tallaabeen dhanka Shiinaha.

Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee Shiinaha ayaa sheegay in ciidamada Hindiya ay Isniintii laba goor kasoo tallaabeen xuduudda, "iyagoo daandaansaday, weerarna la beegsaday ciidamada Shiinaha, taasoo keentay in gacmaha la isula tago,” sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip