Shirkii Jabuuti oo lagu heshiin waayay War Murtiyeedka laga soo saarayo

0
Wednesday June 17, 2020 - 19:58:14 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Jabuuti oo lagu heshiin waayay War Murtiyeedka laga soo saarayo

    Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in lagu kala tagay Shirkii Guddiyada Farsamada ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana la isku mari waayay qodob ka mid ah War murtiyeedka shirka ee maanta la soo saari lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in lagu kala tagay Shirkii Guddiyada Farsamada ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana la isku mari waayay qodob ka mid ah War murtiyeedka shirka ee maanta la soo saari lahaa.

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal ugu jirta in mar kale dhinacyada isu keento, si heshiis looga gaaro war murtiyeedka, waxaana dhinaca ka socday Somaliland diideen qodobka ahaa in aan la siyaasadeyn is dhex galka bulshada labada dhinac inay Muqdisho iyo Hargeysa isaga kala gooshi karaan, haddii ay ahaan laheyd Fanka, Dhaqanka, Ganacsiga iyo Isboortiga.

       Inta badan qodobada laga wada hadlayay ee lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in aan la siyaasadeyn mashaariicda horumarineyd iyo saadaasha hawada iyo deyn cafinta.

       Shirkan oo furitaankiisii ay ka qeybgaleen madaxda dalalka Soomaaliya,Jabuuti iyo Ethiopia ayaa loo saaray guddi farsamo iyadoo la filayay in guddigan uu soo saaro war murtiyeed labada dhinac lagu heshiis yahay.

Guddigan farsamada ayaa la isku raacay in ay kulmaan 45kii maalmoodba mar si ay uga wada hadlaan hirgelinta heshiiska la gaaray.

       Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in guddiga ay qeyb ka yihiin xubno si gaar ah uga doodayo goosashada Somaliland amaba midowga.

Heshiiska labada dhinac haddii la isku waafaqo ayaa la horgeyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Somaliland.

Hase yeeshee wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in ugu dambeyn caawa xilli dambe ama berri subax la soo saaro war murtiyeed ay labada dhinac heshiis ku yihiin.

XIGASHO:-JOWHAR.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip