Dowladda faderaalka Soomaaliya oo dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha dalka.

0
Wednesday June 17, 2020 - 19:18:50 in Wararka by
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda faderaalka Soomaaliya oo dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha dalka.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib u dhigtay furitaanka duulimaadyadii Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib u dhigtay furitaanka duulimaadyadii Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay dowladda go’aan ku gaartay inaan hadda la furin duulimaadyadii gudaha iyo Debadda.

       Sababta ayuu wasiirka ku sheegay inay ka fogaanayaan halista cudurka COVID-19 oo cabsi weyn laga qabo Soomaaliya in uu ku soo laba kacleeyo.

"Iyadoo laga taxadarayo in cudurka COVID19 oo maraya marxalado kala duwan waddanka gudihiisa in dib loogu soo celsho meel uu ka yaraaday ama la geeyo meel illaa hadda uusan gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha” ayuu yiri Wasiir Omaar.

Xayiraadda la saaray duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa ku ekeyd 8-da bishan June.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip