Akhriso: Xeerarka Doorashooyinka, Matalaada G/Banaadir iyo Hanaanka doorashada G/Waqooyi

0
Wednesday June 17, 2020 - 19:08:52 in Wararka by
  • Visits: 1473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Xeerarka Doorashooyinka, Matalaada G/Banaadir iyo Hanaanka doorashada G/Waqooyi

    Guddiga Diyaarinta Xeerarka dhameystirka Doorashooyinka Qaran ayaa maanta Golaha Shacabka u qeybiyay afarta xeer ee Doorashada ee loo saaray inay soo diyaariyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Diyaarinta Xeerarka dhameystirka Doorashooyinka Qaran ayaa maanta Golaha Shacabka u qeybiyay afarta xeer ee Doorashada ee loo saaray inay soo diyaariyaan.

Guddoomiyaha Guddigan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa ka hor-aqriyay Xildhibaannada Afarta Xeer, isagoo xeer walba is-dultaagay shaqooyinka ay ka soo qabteen wadatashiyadii ay geliyeen.

Afartan Xeer oo kala ah Xaqiijinta Qoondada Haweenka, Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta BFS iyo Habka Nidaamka Doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi/Somaliland.

Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir ayaa Guddiga isku raacay in 7 kursi la siiyo, iyadoo wax laga bedelayo qodobka 72aad ee Dastuurka, maadaama 7-da kursi ay tahay kuraas dheeri.

Guddiga ayaa isugu raacay hannaan KMG oo lagu sugayo in kuraasta ay kuraasta Haweenka oo ku eg 2020/2021, isla markaana Haween kaliya ay ku tartmayaan kuraasta haatan ku fadhiyaan, si loo xaqiijiyo qoondada Haweenka.

Sidoo kale Guddiga ayaa kuraas walba oo ka tirsan kuraasta Baarlamaanka Federaalka u asteeyay Gobolka uu matalo, si codbixiyeyaasha gobol kasta u soo doortaan wakiiladooda, waxaa guddiga xusay in kuraasta loo daadjiyay illaa heer Gobol, inta laga helayo tirakoobka rasmiga ah ee deegaameynta kuraasta Baarlamaanka.

Xeerka Nidaamka doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi ayaa warbixinta lagu sheegay inta laga helayo xal siyaasadeed oo laga gaaro Gobolada Waqooyi in xubnaha Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ay yeelanayaan hannaan gaar ah oo doorasho, waxaana Guddiga isla gartay in doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka akhriso Afarta Xeer:-

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip