Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaal Beeleedyo dhacay

0
Wednesday June 17, 2020 - 17:52:23 in Wararka by
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaal Beeleedyo dhacay

    Shalay Gelinkii dambe waxaa Degaanka Abaaleey ee waqooyi Bari ee Magaalada Beledweyne ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed,kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,waxaana dagaalka ka hadlay Maamulka G/Hiiraan. Guddo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay Gelinkii dambe waxaa Degaanka Abaaleey ee waqooyi Bari ee Magaalada Beledweyne ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed,kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,waxaana dagaalka ka hadlay Maamulka G/Hiiraan. Guddoomiye kuxigeenka dhnaca siyaasada iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdulalahi Maadeey ayaa sheegay inay nasiib darro tahay xilligaan ay dhacaan dagaal beeleedyo, iyada oo uu jiro dagaal lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dagaal Beeleedyada ay soo abaabuleen Ururka Al-Shabaab,waxaana uu ugu baaqay labada maleeshiyo beeleed inay dagaalka joojiyaan,isla markaana miiska wada-hadalka wax walba ku xaliyaan.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca Dagaal Beeleedyo,waxaana jira kuwo xal laga gaaray iyo kuwo weli ay Colaadoodu taagan tahay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip