Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaano cusub

0
Wednesday June 17, 2020 - 17:40:29 in Wararka by
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaano cusub

    Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ka socda ayaa howlgallo ku qaaday deetgaano Galbeed ka xiga magaalada Beledweyne, halkaasoo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ka socda ayaa howlgallo ku qaaday deetgaano Galbeed ka xiga magaalada Beledweyne, halkaasoo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

                Sida wararku sheegayaan howlgalkan ayaa jawaab u ahaa markii Al-Shabaab habeen ka hor ay weerar hoobiyeyaal ku soo qaadeen Saldhigga Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Abaanduulaha qeybta 27aad ee Ciidamada Milateriga ayaa sheegay in howlgalka ay kula wareegeen deegaanka Luuq Jeelow oo qiyaastii illaa 20KM dhanka Galbeed ka xiga Beledweyne, halkaasoo ay saldhig u aheyd Al-Shabaab.

       Sidoo kale Ciidamada ayaa burburiyay bar koontaroolo ay Al-Shabaab lacagaha uga qaadi jireen gaadiidka, iyagoo soo furtay labo maxbuus oo u xirnaa Al-Shabaab u xirnaa.

Ciidamada milateriga iyo kuwa Jabuuti ayaa dhowr jeer oo hore la wareegay deegaanka Luuq Jeelow, kadibna isaga soo baxay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip