Louis van Gaal Oo Qirtay Inuu Ku Dhawaa Inuu Bedelo Juan Mata Ka Hor Inta Uusan Dhalinin Goolka Guusha Xalayto.

0
Thursday March 03, 2016 - 11:49:55 in Sports News by
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Louis van Gaal Oo Qirtay Inuu Ku Dhawaa Inuu Bedelo Juan Mata Ka Hor Inta Uusan Dhalinin Goolka Guusha Xalayto.

    Louis van Gaal ayaa qirtay inuu diyaar u ahaa inuu bedelo Juan Mata ka hor inta uusan xiddiga Manchester United dhalinin laadkii xorta ahaa ee guusha u horseeday kooxda xalayto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa qirtay inuu diyaar u ahaa inuu bedelo Juan Mata ka hor inta uusan xiddiga Manchester United dhalinin laadkii xorta ahaa ee guusha u horseeday kooxda xalayto.

Qabiirnimada Mata ee kubadaha laadadka xorta ah ayaa u xaqiijisay United guushii afaraad ee isku xigta, waxaana gushaas ay ka dhigtay inay ku dhibco noqdaan kooxda kaalinta afaraad ee Manchester City taasoo soo nooleysay rajadooda ah inay u soo baxaan Champions League.

Laakiin Van Gaal ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u ahaa inuu bixiyo Mata, ilaa iyo markii laadka xorta aha ee cajiibka ahaa ee uu dhaliyay xiddiga reer Spain uu natiijada ciyaarta bedelay iyadoo todobo daqiiqo ay ka harsan tahay.



Manchester-United-v-Watford

Markii la weydiiyay haddii uu doonayay inuu bedelo Mata, wax yar ka hor inta uusan dhalinin goolka guusha, Van Gaal ayaa yiri: "Haa, waa run taas, sababtoo ah waa uu dhutinayay waqtigaas.

"Laakiin waxaan ku jirnay xaalad wanaagsan, sidaasi darteed ma dooneynin inaan bedelka sameeyo. Waxaan bedelay qaabka ciyaarta, waxaan Anthony Martial dhigay booska gooldhaliyaha, waxaana ku jirnay qaab wanaagsan.

"Sidaasi darteed ma aanan dooneynin mar kale inaan bedelka sameeyo, ka dibna Mata ayaa goolka dhaliyay, sidaasi darteed aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u ogolaaday inuu ku sii jiro garoonka.

"Waa inaan talaabo kasta mar qaadno. Waxaan haatan badinay afar kulan oo isku xigta, waana fantastikā€ ayuu yiri Louis van Gaal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip