Khilaafka Shiinaha iyo Hindiya ee Dooxada Galwan xoogeystay

0
Tuesday June 16, 2020 - 21:43:04 in Wararka by
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Shiinaha iyo Hindiya ee Dooxada Galwan xoogeystay

    Sarkaal iyo laba askari oo u dhashay dalka India ayaa lagu dilay "iska horimaad rabshad leh" oo ka dhacay xuduudda lagu loolamo ee dalkaas uu la leeyahay Shiinaha, waxaa sidaas sheegay ciidamada India. India iyo Shiinaha ayaa toddobaadya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal iyo laba askari oo u dhashay dalka India ayaa lagu dilay "iska horimaad rabshad leh" oo ka dhacay xuduudda lagu loolamo ee dalkaas uu la leeyahay Shiinaha, waxaa sidaas sheegay ciidamada India. India iyo Shiinaha ayaa toddobaadyadii tegay waxa ay ku lug lahaayeen is-mariwaa ka taagan Dooxda Galwan ee galbeedka Himilayas, ayada midba midka kale uu ku eedeynayey inuu dhulkiisa kusoo xadgudbay. Ciidamada India ayaa sheegay in isku dhac uu dhacay Isniintii islamarkaana labada dhinac uu soo gaaray khasaare. "Intii uu socday hanaan xiisadda lagu qaboojinayey ayaa waxaa iska horimaad uu ka dhacay Dooxada Galwan, halkaasi oo labada dhinac uu khasaare kasoo gaaray," ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada India. "Khasaaraha nafeed ee India ayaa waxaa ku jira sarkaal iyo laba askari. Saraakiil ka socota labada dhinac ayaa hadda qaboojinaya xiisadda," waxaa sidaas lagu yiri bayaanka ciidamada India. India iyo China ayaa si kooban xuduudda ugu dagaalay 1962-kii, mana awoodin wixii markaas ka dambeeyey inay xalliyaan murankooda, inkasta oo ay wada-hadallo socdeen tobaneeyo sano.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip