Laftagareen oo Ciidanka xoogga kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

0
Tuesday June 16, 2020 - 21:29:28 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laftagareen oo Ciidanka xoogga kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

    Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay dagaalka Shabaab ee gobalka Bakool la qaatey saraakiisha guutada sagaalad ee taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,iyadoo ay ka qeybgaleen tali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay dagaalka Shabaab ee gobalka Bakool la qaatey saraakiisha guutada sagaalad ee taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,iyadoo ay ka qeybgaleen taliyaha qeybta 60-aad iyo saraakiil kale. Gaashaanle Muqtaar Maxmed Cabdulahi (Geesey) taliyaha guutada sagaalad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey in kulanka ay madaxweynaha la qaateen uu ahaa mid is xog wareysi ah. Sidoo kale Muqtaar Geesey ayaa Sheegey in madaxweynaha KG. Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen ay isla soo qaadeen sidii loo soo dhameystiri lahaa qorshayaasha horumarineed ee loogu talogalay dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab. Ugu dambeyntii waxaa uu umahad celiyay taliyuhu qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka bakool,isagoo xusay iney yihiin shacab dulqaad badan' misana ciidamada kala shaqeeya sidii guud ahaan degaannada KG loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo waarta



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip